Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
August 4, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho,(W,n) –Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay Qarax gaadhi oo caawa ka dhacay waddada mashquulka badan ee Maka-Al-Mukaram ee magaallada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga ayaa sheegay in Qaraxaasi uu ka dhashay gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarax, sida uu hadalka u dhigay balse ma uusan sheegin khasaaraha ay ogyihiin ee ka dhashay Qaraxa.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa gaadhay goobta Qaraxa uu ka dhacay, waxaana la xidhay wadada, iyadoo ciidamada ay wadaan baadhitaanka qaraxa dhacay.

“Qaraxa waxaa uu ka dhacay meel u dhow Isbitaalka Daarul Shifa iyo Hotel Ambassado, waxaana jira bukaanno badan oo naxdin ay lasoo deristay kadib markii Qaraxa uu dhacay”, sidaasi waxaa sheegay Maxamed Adan oo ku sugnaa nawaax.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa balse Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan geysta Al Shabaab.

Ciidamada xasilinta Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo xooggan oo amniga lagu xaqiijinayay, balse iyadoo howlgalladaasi ay jiraan ayaa mararka qaar waxaa dhacay Qaraxyo ay inta badan sheegtaan Al Shabaab.

20178463637450817697705620624320_1036808866455125_1360648804_n

30-kii bishii July Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Carab, ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Saldhiga Police-ka degmadda Waaberi iyo Hotel-ka Maka Al-Mukarama ee Magaalladda Muqdishu.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Carab, ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa goobta Qaraxa uu ka dhacay.

COMMENTS
LINKS