Oday 80 Jir Ah Oo Magaalada Mandhera Ee Kenya Ku Guursaday Haweeney 60 Jir Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Oday 80 Jir Ah Oo Magaalada Mandhera Ee Kenya Ku Guursaday Haweeney 60 Jir Ah
August 28, 2017 - Written by Reporter:

Wuxuu ahaa aroos lala dhacay oo ka dhacay magaalada Mandera ee dalka kenya.

Waxaa loo dhigay Cabdullahi Ibraahim Robow oo loo yaqaano Cabdullahi Waayway, oo 80 sano jir ah, iyo xaaskiisa cusub oo 60 sano jir ah oo lagu magacaabo Khadiijo Axmed.

Arooska ayaa si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo magaalada Mandera.

Cabdullahi Waayway ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay arooska, wuxuuna tilmaamay in haweeneyda 60 jirka ah ay u wanaagsan tahay uuna ku nasanayo.

Cabdullahi ayaa hore u soo guursaday afar xaas, wuxuuna dhalay 12 caruur ah.

Xaaskan cusub waa bahda seddaxaad ee hadda uu qabo, wuxuuna horey u furay labo dumar ah

gur guur2 guur4.

 

COMMENTS
LINKS