Maxaa Sabab U Ah Biyo La,aanta Kusoo Noqnoqotey Magaala Xeebeeda Berbera Warbixin: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Sabab U Ah Biyo La,aanta Kusoo Noqnoqotey Magaala Xeebeeda Berbera Warbixin:
August 15, 2017 - Written by Reporter:

Berbera(W,N)-Mudadan lagu guda jiro Xaraarada Xiliga Xagaaga Waxa ay Tiraba Afar jeer Dadweynaha Kunool Xiliga Cimiladan adag Gudaha Magaalada Berbera ee aan duruuftu u saamixin in ay uga Xagaa baxaan Magaalooyinka kale ee Dalku la ildaran yihiin Biyo la,aan kusoo noqnoqotey oo sabab u ah Cilado farsamo oo ku yimid Ceelasha Biyaha Looga soo qaadi jirey Magaala Xeebeeda Berbera laakiin aan wali loo helin wax xal ah taas oo Maalina maalinta ka dambeysa siweyn loo dareemayo Biyo la,aanta iyo duruufaha ku xeeran guud ahaanba.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu Dhegaha ķa fureysatey wacyiga Biyo la,aanta soo food Saartey Magaala Xeebeeda Berbera kadib markii ay Ciidamo u adeegsatey fara maroojintii Maamulkii hore ee Wakaaladda oo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Biyuhu awood kaga hoos saarey Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo iyagu Xil gaar ah iska saari jirey dayac qabashada xaaladaha lasoo Gudboonaada Ceelasha iyo Farsamadooda hadey noqoto dhinaca matoorada Biyaha daynabooyinka,Badelaada Beebabka iyo dayactirkooda iyo Guud ahaanba qalabka loo isticmaalo soo Gudbinta Biyaha.

Arimaha ugu waaweyn ee loo sibirsaarayo Biyo la,aanta culus ee soo food saartey Xiligan adag ee Cimaladu Xagaaga Xaraaradeedu heerka xun ka mareyso Magaalada Xeebta ah ee Berbera ayaa lagu sheegay in ay dabada ku haysay ujeedo musuqmaasuq oo Masuuliyiinta Wasaarada Biyihu ku damacsanaayeen in ay kula baxaan qadar lacag ah oo Sanduuqa SDF(Somaliland Devoplemebt Fun),ugu jirey Wakaalada Biyahq Berbera iyo waliba Biyaha Gudahq Magaalada looga qaado maraakiibta Xamuulka ee Dekedda kusoo xidha.

Geesta kale Todobaadyadii u dambeeyay waxa markii u horeysay Gudaha Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil  lagu arkayey Biyo dhaamiska Booyadaha Biyaha oo aroor iyo Biyo shub ka wada Magaalada taas,oo xoog isku soo tareysa maalinba maalinta ka dambeysa. Dadweynaha Reer Berbera ayaa siweyn ula yaabey maalintii Shaley aheyd Biyo dhaamis Maamulka Wakaaladu ka sameeyay Gudaha Berbera kadib markii ay Biyo la.aantu sii Xumaatey maalmihii u dambeeyay

 

Somalia --- Berbera Town and Port --- Image by © Yann Arthus-Bertrand/CORBIS

20840576_1603419526388077_846160591_n 20863708_1603419693054727_1639127900_n 20864321_1603419629721400_1958816260_n 20864411_1603419703054726_1633635932_n

 

COMMENTS
LINKS