Mareykanka Oo Dal Ku Galka Ka Joojinaya Afar Dal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mareykanka Oo Dal Ku Galka Ka Joojinaya Afar Dal
August 25, 2017 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay qorsheeneyso inay joojiso inay dal ku gal siiso dadka kasoo jeeda afar dal oo diiday inay aqbalaan muwaadiniintooda laga soo masaafurinayo Mareykanka.

Afatan dal ayaa kala ah saddexda dal ee Africa ee Eritrea, Guinea, Sierra Leone – iyo dalka Cambodia.

Dowladda Mareykanka ayaa horey laba goor u hakisay Visa-ha dalalkan, intii lagu guda jiray maamulka madaxweyne Obama, si ay ugu qasabto inay aqbalaan in dadkooda loo soo masaafuriyo.

Toddobaadkii tagey, Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa ku war-gelisay Waaxda Arrimaha Dibedda in afartan dal ay diidan yihiin inay aqbalaan in muwaadiniintooda ama ay si aan sabab lahayn dib ugu dhigayaan, taasi oo xadgudub ku ah qodobka 243(d) ee xeerka socdaalka Mareykanka.

Dadka la masaafurinayo ayaa ah dad si sharci darro ah ku joogay Mareykanka oo la qabtay.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa hadda qiimeeneysa sidii amarkan loo fulin lahaa.

Amaradii hore ee lagu hakiyey dal ku gallada ayaa saameeyey diblomaasiyiinta iyo saraakiisha dowladda, hase yeeshee weli ma cadda cidda ay xanibaaddan cusub saameyn doonto.

 

COMMENTS
LINKS