DAQIIQADII 24aad GOOOOL! Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta markii laad xor ah loo dhigay meel 25 mitir u jirta goolka, waxaa u soo istaagay xiddiga cagta bidix wax ku tuura ee reer Spain Marcos Alonso, waxaana uu kubada uga dulqaaday goolka Tottenham si fantastik ah iyadoo goolhaye Lloris uusan helin fursad uu ku badbaadiyo. Laadka xorta ah ee uu dhaliyay Alonso waxaad uga bogan kartaa kaliya inaad daawato.
Spurs ayaa isla markiiba bilowday inay raadiso goolka barbaraha iyadoo Harry Kane dhowr fursadood iska cunay oo mid ka mid aheyd uu birta garaacay ka dib kubad uu ka soo shaqeeyay Dela Alli. Xiddigaha kale ee Ben Davies, Moussa Dembele iyo Christian Eriksen ayaa iyagana dhamaantood u dhawaaday inay shabaqa ka soo taabtaan Chelsea balse goolhaye Courtois ayaa badbaadino fantastik ah sameeyay.
Spurs ayaa qeybtii labaad ku bilaabatay sidii ay qeybtii hore ku dhameysteen waxaana ay weerar ku ahaayeen goolka Chelsea ilaa seddexdii daqiiqo ee ugu horeysay, laakiin wixii markaas ka danbeysay waxa ay ciyaarta noqotay mid ay labada kooxood kubada wadagaan.
Chelsea ayaa fursad fiican heshay daqiiqadii 70aad markii Willian uu kubad ka soo jiiday dhexda waxa uu xerada ganaaxa ku quudiyay Alvaro Morata kaasoo isku qaabeeyay inuu kubada shabaqa dhex dhigo laakiin daafacyada Tottenham ayaa u soo seexday oo darbadiisa ay ku dhacday ka hor inta aysan hareermarin goolka.
Koornadii ka dhalatay waxa ay keentay in Moses uu kubada ku helo xagasha midig wuxuu goolka ku tuuray kubad gantaal aheyd laakiin waxa ay si cidhiidhi ah ku dulmartay goolka. Seddex daqiiqo ka dib Willian ayaa kubad ku helay meel u jirta goolka 20 mitir, waxaana uu halkaas ka haweystay inuu kubad taraarax ah ka dhaliyo laakiin waxaa ka soo beenisay birta.
DAQIIQADII 82aad GOOOL! Laad xor ah oo loo dhigay Tottenham meel goolka u jirta 20 mitir ayaa waxaa si fantastik ah u soo qaaday Eriksen, waxaana madax la helay oo si qurxoon isaga dhaliyay weeraryahanka Chelsea Michy Batshuayi oo markii uun bedel ku soo galay ciyaarta. Weeraryahanka reer Belgium ayaa noqday bedel ay ku faa’iday Spurs, sida uu goolka isaga dhaliyayna ma ahan mid loo qiil dayi karo.
DAQIIQADII 88aad GOOOL! Marcos Alonso ayaa mar kale hogaanka ku soo celiyay Blues markii ay David Luiz uu kubad ka qaatay Dembele isagoo u dhiibay Pedro kaasoo isna garabka bidix ku quudiyay Marcos Alonso oo kubada si khatar ah uga hoos bixiyay goolhaye Hugo Lloris. Tababare Antonio Conte ayaana u dabaaldegay si waali ah ka dib markii uu ka naxay goolkii uu iska dhaliyay Batshuayi.
Waxa ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay kooxda Chelsea kuwaasoo ka soo kabsaday guuldaradii ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka waxaana ay haatan leeyihiin seddex dhibcood ka dib labo kulan ay ciyaareen. Tottenham waxaa weli mushkilad ku ah in Wembley uu yahay garoonkooda xilli ciyaareedkan, waxaana ay guuldarro ku bilowdeen kulankoodii ugu horeysay ee Premier League ee ay halkaan ku ciyaaraan