Isku Aadka Wareega group-yada Champions League Oo La Soo Saray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku Aadka Wareega group-yada Champions League Oo La Soo Saray
August 24, 2017 - Written by Reporter:

Magaalada Monaco ayaa martigalisay xaflad weyn oo lagu bixinayay abaalmarino sidoo kalana lagu sameynayay isku aadka wareega group-yada Champions League waxeyna aheyd madal uu qof walba si weyn ula socday.

Isku aad weyn ayaa kasoo baxay iyadoo afar group ay ku kulmeen kooxo waaweyn oo dab ka shidi doona qaaradda yurub, inkastoo group-yada badankood ay laba koox oo waaweyn ku kulmeen hadana group-ka H ayaa lagu tilmaami karaa mid wada holac ah madama sadex kooxood oo mug leh ay isugu yimaadeen marka laga Eego marxaladda wakhtigan waxaana ku kulmey Real Madrid, Borrusia Dortmund iyo Tottenham Hotspur.

Barcelona iyo Juventus ayaa dib isku arki doona kuwaas oo quarter final-ka Champions League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay isku arkay markaas oo 3-0 lagu suldaaray kooxdii Luis Enrique ee wakhtigaas labadii lug.

Neymar Junior wuxuu wajahi doonaa tijaabo adag madama kooxdiisa ay group-ka B kula kulmeyso Bayern Munich oo ka mid ah kooxaha ugu miisaanka culus qaaradda yurub halka group-ka C ee ay ku wada jiraan Chelsea, Atletico Madrid iyo As Roma isna uusan aheyn mid la dhayalsan karo.

ISKU AADKA OO BUUXA:

Group A

Benfica

Manchester United

Anderlecht

CSKA Moscow

Group B

Bayern Munich

PSG

Anderlecht

Celtic

Group C

Chelsea

Atletico Madrid

Roma

Qarabag

Group D

Juventus

Barcelona

Olympiacos

Sporting

Group E

Spartak Moscow

Sevilla

Liverpool

Maribor

Group F

Shakhtar

Manchester City

Napoli

Feyenoord

Group G

Monaco

Porto

Besiktas

Leipzig

Group H

Real Madrid

Dortmund

Tottenham

APEOL

 

champions-league

COMMENTS
LINKS