Gaadiidkii Itoobiya Ee Raashinka Caawimada Ah Ka Qaadi Jiray Dekeda Berbera Oo Go’aan Ku Gaadhay In Ay Dalkoodii Iskaga Laabtaan Iyaga Oo Madhan+Maamulka Gobolka Saaxil Oo La Hadlay Iyo Sababta Oo Salka Ku Haysa Xaaladda Cakiran Ee Dekeda Ka Jirta+Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gaadiidkii Itoobiya Ee Raashinka Caawimada Ah Ka Qaadi Jiray Dekeda Berbera Oo Go’aan Ku Gaadhay In Ay Dalkoodii Iskaga Laabtaan Iyaga Oo Madhan+Maamulka Gobolka Saaxil Oo La Hadlay Iyo Sababta Oo Salka Ku Haysa Xaaladda Cakiran Ee Dekeda Ka Jirta+Sawiro
August 14, 2017 - Written by Reporter:

Berbera,(W,N)-Kudhawaad 200 (Laba Boqol) oo baabuur oo dalka Itoobiya laga leeyahay ayaa Berbera mudo labaatan maalmooda ujooga rarkii ay Dekeda Berbera ka qaadi lahaayeen oo xaniban.

Wadayaasha iyo masuuliyiinta Shirkadaha Gaadiidka Itoobiyanka ah wakiilada uga ah ayaa saaka subaxnimadii hore go,aan ku gaadhay inay gaadiidkooda ku celiyaan dalka Itoobiya ee ay hore uga yimaadeen maadama oo mudo 20 maalmooda ay sugayaan in loo soo xidho markabkii raashinkay qaadi lahaayeen siday oo badda Berbera taagan,Maamulka Dekeda Berbera ee Shirkada DP World-na soo xidhi weyday iyada oo sabab looga dhigayo Dekedii oo maraakiib iyo culays badeecadeed ka buuxo si looga saarana la garan layahay.

Masuuliyiinta shirkadaha Gaadiidka Itoobiyanka Iyo darawaliinta Gaadiidka wada oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Itoobiya ayaa ku andacoonaya inay mudo dhaaf tahay joogitaanka ay Berbera joogaan oo ku dhaw 20 maalmood iyaga oo sheegay inay masaariiftii iyo sahaydii ka goday gaadiidkoodiina bilaa shaqo cidla utaaganyahay.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed ayaa Saaka Ku qanciyay Masuuliyiinta shirkadaha Gaadiidka itoobiyanka ah Iyo Wadayaasha Gaadiidka ee Ku xereysan Xerada Taar dheer ee Berbera inay Maanta uun sugaan oo la rajaynayo in Marakabkoodii loosoo xidho.

Xaalada Dekeda Berbera ayaa Todobaadyadii udanbeeyay Cakiran,iyada oo Dekediina ay buux dhaafiyeen Koontaynaro badeecado ka buuxaan,lana layahay wax dekeda kasoo saara kadib markii qalabkii rarka iyo Rogida ee Dekeda Berbera dhamaantood u wada fadhiisteen cilado farsamo ,iyada oo aanay shirkada DP World ee Dekeda laga kireeyayna keenin wax qalab ah oo cusub oo fududeeya hawlaha shaqada dekeda.

Sidoo kale Wasiirada maaliyada, Ganacsiga iyo arimaha Debeda oo xaalada Cakiran ee Dekeda Berbera Uyimi Berbera ayaan ilaa hada wax xala Ka gadhin cabashada Ganacsatada Somaliland iyo Kuwa gaadiidka Itoobiya.

COMMENTS
LINKS