Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Tartanka Beelaha Darifyada Jsl Oo Noqotay Mid Soo Noolaysay Rajada Geedi Socodka Dimuqraadiya Somaliland!! FAALO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Tartanka Beelaha Darifyada Jsl Oo Noqotay Mid Soo Noolaysay Rajada Geedi Socodka Dimuqraadiya Somaliland!! FAALO
August 6, 2017 - Written by Editor:

Tartanka Beelaha Darifyada Somaliland Ee Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Fure ma Unoqon Doontaa   Soo Noolaynta Geedi Socodka Dimuqraadiya jamhuuriyada Somaliland??

HARGAYSA (W,N) Tartanka  kursiga Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa ahaa mid xamaasad gaara ka buuray xarunta golaha wakiilada somailand saaka kaasi Tartan   faro cidood lagu kala guulaystay ku dhexmaray  gudoomiye kuxigeenkii kowaad ee golaha wakiilada Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax Iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle Oo labadooduba kazoo wada jeedaan Gobolka Sool,

Hadaba loolankan loo galay kursiga golaha wakiilada oo uu dhawaan baneeyay  cabdiraxmaan cirro oo isagu  xiligan ah murashaxa madaxwayne ee xisbiga wadani ayaa ahaa mid  aad uxiiso badan ismarkaana fariimo kala duwan xanbaarsanaa , wallow uu ahaa loolan adag  oo  dhexmaray labadan xildhibaan ee isku deegaanka ah,

jawiga golaha wakiilada ayaa ahaa mid ka duwan kuwii hore looga bartay iyo sidii dhawaanahan ay noqotay doorashada kuraasta Somaliland waxaanad arkaysay   kooxa kala taageersan labadan  murashaxa iskuna raacay  aragti midaysay taasi oo waafaqsanayd habka doorashada madaxa banaan ee aan ku salaysnayn qabyaalad balse salkeedu yahay asxaab iyo isbaysi siyaasadeed,

Loolan adag kadib waxaa hal cod ku guulasytay Baashe Maxamed faarax oo helay 39 cod Halka Cabdiraxmaan Talyanle uu ka helay isna 38 cod,  kaasi oo qadar kadibna keentay in ay isku hambalyeeyaan dhaaman xubnihii tartamayay oo uu hormuud u yahay Talyanle,

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada somliland Oo noqonaysa Gudoomiyihii labaad Ee golahu yeesho ayaa Ahayd mid soo jiidatay rayi caamka Somaliland iyo waliba dadka sida dhaw ula socda   taasi oo ay ku dheehnayd arin ka duwan tartanadii hore  ee wax lagu soo doortay Somaliland haday tahay shir gudoonkii hore ee golaha , murashixiinta xisbiyada qaran oo iyagu mudooyinkii udanbeeyay hanaanka loo doortaa uu noqday mid dhaawacwayn gaadhsiiyay geedi socodka dimuqradiyada Somaliland oo lagu tilmaamo in ay hurmood utahay wadamada Africa ,

Hadii aynu dib umilicsano qaabkii lagu doortay murashixiin xisbiyada qaranka Somaliland ee Kulmiye ,Wadani Iyo Ucid oo dhamaantoodna ay murashixiin u yihiin sedex shakhsi dhamaantood kazoo beesha dhexe Ah  ayaa mid kaliya lagu dooran hanaanka dimuqraadiya iyo tartan xor ah midkoodna  halka Murashxiinta Madaxwayne kuxigeenka u noqonaysay oo iyagu kazoo jeeda beelaha darifyada Somaliland midwalba uu ku yimid tartan iyo loolan uu usoo galay, marka laga reebo xisbiga ucid  oo aanay xaaladiisa siyaasadeed ahayn mid salka ka fadhida taasi oo sobobtay in aanu lahayd cid ku xigeen u ah faysal cali waraabe ,

Si kastaba ha ahaatee   tartanka gudoomiyaha golaha wakilada somailand lagu doortay ayaa noqday mid soo nooleeyay hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland iyadoo la odhan karo waxaa soo noolayteeda door adag ka qaatay  beelaha darifyada Somaliland,

Halka hoos udhaca geedi socodka  dimuqradiyada Somaliland ay taariikhdu xusidoonta  dhaawaca ay gaadhsiisay mudadaa ay xukuumada kulmiye  talada dalka gacanta ku haysay  iyadoo rajada soo noolaynta geedi socod hanaanka tartanka ku dhisana lagu xasuusan doono beelaha darifyada oo xiligan umuuqdo kuwo badbaada somailand iyo hiigsiga himilada Jamhuuriyada somailand ay muuqato in ay door muhiim ah ka Ciyaaraan.,

HALKAN HOOSE KA DAAWO JAWIGII SAAKA IYO SIDI AY WAX DHACEEN;

 

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS