|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhalinyaro Badan Oo Reer Somaliland Ah Oo Tahriibay Oo La Laayahay Meel Ay Jaan Iyo Cidhib Dhigeen Kadib Markii Ay Ka Baxeen Dalka Suudaan
August 23, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Dhalinyaro tiro badan oo reer Somaliland ah oo tahriibay ayaa la la yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen kadib markii ay 16.08.2017 ay ka baxeen dalka Suudaan isla markaanan ay mareeen jidka dheer ee saxaraha ah ee Liibiya. Dhalinyaradan reer Somaliland ee la la yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen ayaa waxay u badnaayeen dhalinyaro ka kala baxay gobolada Togdheer,Sool iyo Maroodi-jeex,waxaana ay dhalinyaradan ay hadda maqan yihiin isla markaana la yahay muddo 7 cisho ah. Magafaha dadka tahriibaya oo xero wayn oo uu dadka ku xareeyo ku haysta saxaraha Liibiya ayaa dhibaatooyin iyo jidh xoogan ku haya dhalinyarada tahriibta,isaga oo jidh dil xoogan u gaysta,waxaana lacagta uu dadka ka qaado uu kordhiyay kadib markii la xidhay sida ay noo sheegeen dad Sudaan ku sugani dadkii laga tahriibin jiray dalka Masar,waxaana uu qofkiiba ka qaadaa lacag dhan 10,500 $ (Toban Kun iyo Shan Boqol Oo Dollar). Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|