|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada RRU-da Oo Saq-dhe Guri Ku Yaal Hargaysa Kala Baxay Sadex Wiil Oo Walaalo Ah
August 28, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da oo kaashanaya ciidamka Baadhista danbiyada ee CID-da ayaa habeenimadii Jimcaha ee ina soo dhaaftay waxay saq-dhexe ugu daateen guri ku yaala magaalada Hargeysa gaar ahaana xaafadda Siiney oo ka tirsan degmada Axmed Dhagax sadex wiil oo walaalo ah. Waxaana ay gurigaasi ciidamadu kasoo qabteen saddex wiil oo walaalo ah oo ku noolaa gurigaasi,kuwaas oo mid ahaan oo haystay meherad ganacsi . Ilo wareedyo xaafadaasi ku nool ayaa noo xaqiijiyay magacyada saddexdaasi wiil ee ay ciidamadu saqda-dhexe kala baxeen gurigooda,waxaana ay magacyada wiilashu ay kala ahaayeen Deeq Maxamed Maxamuud, Mawliid Maxamed Maxamuud iyo Asad Maxamed Maxamuud ,waana saddex wiil oo walaalo ah sida magacyadooda ka muuqata. Saddexdan wiil ee ay ciidamada RRU-du kala baxeen gurigii ay daganayaan ayaan la garanayn sababata keentay in lala baxo saddexdaasi wiil oo mid kamid ah uu uu xaafadda Siiney ku haystay tukaan oo ku ganacsan jiray. Ilo wareedyo u dhuun daloola ayaa waxay noo sheegeen in saddexdan wiil mid kamid ah oo sanadihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho isla markaana uu dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa,walina waxa lagu wadaa baadhis iyaga oo saddexdaasi wiilna ku xidhan yihiin xarunta dambi baadhista Somaliland ee CID-da. Gabagabadiina ilaa hadda si rasmi ah loo garan maayo sababta ay ciidamada RRU-du u xidheen saddexdaasi wiil ee walaalaha ah. Related posts:Xildhibbaano Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliland oo Si Adag uga Soo Horjeestay Saldhiga Milatari ee Im... Madax-dhaqameed Iyo Xildhibaano Shacabka Reer Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Marxuum Suldaan Ibraahim J... Daawo:Waraysigii Ugu Horeeyay Abid Ee Qof Soomaali ahi La Yeesho Rasyal Wasaaraha Ethiopia Oo Uu Su... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|