caruur tiradoodu tahay 60 ayaa ku dhintay isbitaal Hindiya ku yaalla | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
caruur tiradoodu tahay 60 ayaa ku dhintay isbitaal Hindiya ku yaalla
August 13, 2017 - Written by Wariye:

Hargeisa (WJN):-Ugu yaraan 60 carruur ah ayaa ku dhintay isbitaalka dadweynaha oo ku yaalla waqooyiga Hindiya, sida ay saraakiishu sheegayaan, iyadoo ay jiraan eedeymo ah in hawada oxygen-ta ee dadka xanuunsan qaarkood lagu xiro laga jaray isbitaalka sababo la xiriira lacagaha oo aan la bixin.

HINDIYA

Saraakiisha gobolka Uttar Pradesh ayaa qiray in laga jaray adeegga hawada oksojiinta, balse waxay dafireen inay dhimasho sababtay.

HINDIYA
Qoysaska dadka isbitaalka ku jira ayaa la arkayay iyagoo bacaha neef ku siinaya bukaanka.

Dhimashada carruurtan ee isbitaalka Baba Raghav Das ee degmada Gorakhpur district ayaa soo bilaabatay Isniintii. Soddon ka mid ah carruurta ayaa dhintay intii u dhaxeysay Khamiistii iyo Jimcihii keliya.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye: ABDIQADIR HABANE

Rource BBC somali

COMMENTS
LINKS