|
|||||
WAJAALE NEWS
Booqashada Wasiir Samsam Ee Dekeda Berbera Waxma Ka Tari Doontaa Xaalada Adeeg Ee Dekeda Berbera?..
August 21, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(W,N)-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo.SamSam Cabdi Aadan ayaa habeenimadii xalay Booqatay Dekeda Magaalada Berbera, si ay ugu kuur gasho xaalada dhaqdhaqaaq ee Dekeda oo maalmihii ugu dambaysay laga dayrinayey. buuqashada Wasiir Samsam ayaa sida laga warqabo ah mid ay ugu kuur galayso xaalada dekeda iyo shaqadii oo cakirnayd maalmihii ugu dambeeyey, xili ay ganacsataduna warqad cabasho ah oo ay kaga dayriyeen shaqada dekeda oo xanibaad iyo kadeed kala kulmeen Muddooyinkii ugu dambeeyey. Wasiir Samsam ayaana uu safarka ku wehelinayey agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Saleebaan Siciid Cali, iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil. Agaasimaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan ayaana halkaasi ka warbixiyey shaqada dekeda iyo nidaamka cashuuraha Dekeda ee ku waajibay dadka alaabaha kasoo roganaya. Wasiir Samzam ayaana qudheedu ka hadashay, iyadoo uga mahad naqday shaqaalaha cashuuraha iyo kuwo dekedaba hawlaha ay qaranka u hayaan. si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda Wasiir Zamsam ayaana sheegin waxqabadka iyo talaabooyinka ay xukuumad ahaan ku waajihi doonaan xaalada dekeda, kadib Booqashadan ay ugu kuurgashay xalaada.
Related posts:Dawlada Mareykanka Oo 10 milyan Oo Dollar Dul Dhigtay Hoggamiyaha Kooxda Al-Shabaab Axmed Diiriye “A... DAAWO; Bulshada Ku Dhaqan Magaalada Ceerigaabo Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Xaalada Deg Dega ah Siyaasi Cali Guray Oo Markale Ka Digay Khatarta Shirkada Tragura Oo Xukuumada Somaliland Damacsan Ta... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|