Axkaamta Xajka W/Q, Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Axkaamta Xajka W/Q, Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
August 31, 2017 - Written by Reporter:

Shuruudaha Xajka

Shuruudaha Waajibiya Xajka:-

  • in uu qofku Islaam yahay
  • in uu qaangaadh yahay
  • in uu dhan yahay maskax ahaan
  • in uu xor yahay
  • in uu sahaydi u ku bixi laha haysto
  • in uu wuxu raaci lahana haysto
  • in uu wadada maraya ay amaan tahay
  • inuu wakhti uu ku tegi karaa hadhay
  • Haweenaydu in ay hesho muxram kaxeeya

Arkaanta Xajka waxa ka mid ah:-

  • in uu Xajka xidho
  • in uu buurta Carafa istaago
  • in uu kacbada dawaafo toddoba jeer
  • orodka Safa iyo Marwa toddoba jeer
  • timaha oo la xiiro ama la gabsado

Fiiro Gaar ah (Arkaanta cumrada waxa ka mid ah in uu cimro xidho, dawaafna la yimaaddo, orodka Safa iyo Marwa, iyo in u timaha xiirto ama gaabsado.)

Waajibyada Xajka:-

§  in aad ka xidhato miiqaatkii lagu talagalay (Iminka qofka ka imanaya dibadda magaalada Maka waa kii Rasuulku CSW lahaa; qofka ka imanaya Maddiina ha ka soo xidho Xajka Dul-xulayfa, oo iminka loo yaqaan Abaar-Cali. Qofka ka imanaya Shaam oo ah dalalka dhaca galbeedka gacanka sida Ciraaq, Siiriya, Falastiin iyo dalal kale ha ka soo xidho Xujfa. Qofka ka imanaya Najd oo ah dalalka gacanka hadda loo yaqaan ha ka soo xidho Qarnul-manaasiil. Yaman qofka ka imanayaa ha ka soo xidho Yalamlam.)

§  saddeexda buurood  ee Jamalu-suqra, Wusda iyo Cuqba in qofku dhagaxaan ku tuuro saddeex cisho, Musdalifana habeen.

§  In aad ku barido Mina

 

Axkaamta Xajka

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 4aad

Sunnayaasha Xajka

Sunnayaasha Xajka:-

  • In aad la timaaddo ifraad ama Xaj keli ah
  • In aad talbiyada odhaahda xajka ee Labbayka Allahu la timaaddo
  • Dawaafka Quduumi ee lagu bilaabo kacbada aad la timaaddo
  • Dawaafka labadiisa rakcadood aad la timaaddo
  • Dawaafka sagootinka
  • Ninku in uu iska saaro dharka tolan xidho na dharka loogu talagalay in lagu oogo xajka

Waxyaabaha ka Xaaraanta Ah Xaajiga:-

  • Dharka tolan in uu xidho intuu ku dhex jiro gudashada Xajka
  • Madaxa oo ninka gudanaya Xajku wax saaro
  • Haweenayda oo madaxa iyo labada gacmood qarisa ama daboosha
  • Feedhashada timaha oo iidaan la marsado.
  • Timaha oo la xiiro
  • Ciddiyaha oo la iska guro
  • In udug qofku marsado
  • In uu ugaadhsado
  • In uu guursado
  • In uu galmo la yimaaddo

Intaa aynu soo xusnay haddii uu la yimaaddo qofka gudanaya xajka waxa lagu yeelan doona fidyo, marka laga reebo guurka uu guursaday oo aan guntamayn ama guurkaasi noqonayn mid jira. Waxa buriya Xajku waa galmo qofku la yimaaddo, taas oo waxba kama jiraan ka dhigaysa hawlqabadkiisi uu soo waday, weliba isaga oo la leeyahay dhammaystir isaga oo kaa jabay.

Qofka ka taga istaagga Carafa waxa uu ku xalaaloobaya camalkii cimrada waa uuna soo qallaynayaa waayo Xaj u jiraa ma jiro. Rasuulka CSW waxa ka sugan in uu yidhi, “Xajku waa Carafa.”

Qofka ka taga waajib ka mid ah waajibyada Xajka  isaga waxa ku waajibay in uu dhiig daadiyo – ‘neef gawraco’. Qofka ka taga sunne ka mid ah sunnayaasha Xajka isaga waxba kuma waajibin.

 

 

Xoolaha La Gawraco Xajka Iyo Beddelkooda:-

 

Dhiigga la daadiyo Xajka dhexdiisu waa laba uun; mid waa ka waajibay maalinta Carafa, midka kalana waa mid ku yimaaddo khalad uu xaajigu sameeyey oo kafaara-gudkeedu noqday in uu neef gawraco.

Tusaale ahaan, haddii uu xaajigu ugaadhsado waxa laga rabaa in uu kafaara-gud u bixiyo waxa uu ugaadhsaday mid nimcoolayda ka mid ah oo u dhiganta. Sidoo kale, sida aynu soo xusnayba, haddii uu ka tago waajib ka mid ah waajibyada xajka waxa lagu yeelanaya in uu neef gawraco.

 

COMMENTS
LINKS