|
|||||
WAJAALE NEWS
Xuska Sannad Guurada 60aad Ee BBC Somali Oo Lagu Qabanyo Magaalada Hargaysa
July 17, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa,(W,N)-Berri oo ah Maalin Salaasa ah, Taarikhduna tahay 18-ka July 2017-ka waxay ku buuxda lixdan Sanaadood markii u horraysay Taarikhda ee ay hawada gasho baahinta Laanta Afka Soomaliga ee Idaacadda BBC-da, oo ku begnayd 18-kii July 1957-kii. Idaacadda BBC-da oo ka kooban Laamo tiro badan oo lagaga hadlo luuqado kala duwan oo ay leeyihiin Umaddo badan oo ku dhaqan dunida Korkeeda, waxa laanta Afka Soomaliga ee BBC-du ku jirtaa safka hore Luuqadihii ugu horreeyey ee baahintoodu ka baxdo Idaacadda BBC-da. Wariyahii ugu horeeyay ee ka hadla idaacada laanta afka Somaliga ee bbc ayaa ka soo jeeday Somaliland iyada oo wariyayaashii tirada badnaa ee ka soo hawl gali jiray ama halkaasi soo gaadhsiiyay ay badidoodu ka soo jeedaan Somaliland ayaa hadana waxa sii yaraanaaya oo sii dabar go’aaya wariyayaasha ka soo jeeda Somaliland ee ka hawlgala laanta afka Somaliga ee BBC- oo dhawaana soo kordhisay qayb cusub oo maqal iyo muuqaal ah. Dalka Somaliland ayaa ahaa dal uu gumaysan jiray dalka Ingriisku dalkaasi oo xornimadiisa ka qaatay 26/6/1960-kii taasi oo kadib ay midoobeen labadii dal ee Somaliya iyo Somaliland taasi oo sababtay xasuuq iyo burbur ay ku naf waayeen kumaan kun oo qof oo reer Somaliland ah iyada oo 1991kii ay mar kale la soo noqotay xoriyadii luntay 1960-kii taasi oo xiligani ka dhigtay Somaliland dal nabdoon oo ka ifaaya geeska Africa waana sababta soo jiidatay in xafladani loogu dabaal degaayo sanad guurada 60’aad ee laanta afka Somaliga maalinta bari ah loogu qabanaayo magaalada London. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|