Xukuumada Somaliland Oo Xorriyadoodii U Celisay Kooxdii Saaciduunal Bil-xaq!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Xorriyadoodii U Celisay Kooxdii Saaciduunal Bil-xaq!!
July 6, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N) Xukuumadda Somaliland ayaa xorriyadoodii usoo celisay Xubnihii  tirsanaaa urur Diimeedka Saaciduunal Bil-xaq, kuwaas oo ay ciidamadda Booliiska Somaliland afar xubnood oo ka mid ah xabsiga u taxaabeen.

Xubnaha kooxda Saaciduunal Bil-xaq ayaa Suuqa lagu arkay iyada oo aanay xukuumadda Somaliland soo dayntooda sababin, maadaama markii la xidhay xukuumadda Somaliland usoo jeedisay Eedo la xidhiidha inay khatar ku yihiin Dalka.

 ururka saaciduun bil xaq

Sidoo kaleXubnaha la soo daayey ayaan iyana dhinacood ka hadal qaabka loo soo daayey, hase yeeshee sida Waaheen Xogta ku heshay waxa xorriyadooda loo soo celiyey ciidal Fidrigii, iyada oo aan wax danbi ah lagu helin.

Ma jirto Maxkamad iyo Digreeto Madaxweyne oo kooxdan lagu soo daayey, maadaama Eedaha culus ee loo adeegsaday xadhigooda ay ahayd Xukuumadda Somaliland inay caddayso. Ama shacabka ka raali-galiso talaabadii ay ku qaaday Muwaadiniintan.

 

Xubnaha Saadicuunal Bil-xaq oo ah Aqoonyahano Reer Somaliland ah, Jaamacadaha Dalkana wax ka dhiga ayaa warbaahinta u sheegay inay taageersan yihiin masuuliyiin dhawr dal kaga dhawaaqay Ururka ay Somaliland u xidhay, taasoo ahayd sababta loo xidhay.

 

XIGASHO  WARGAYSKA WAHEEN

COMMENTS
LINKS