|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta Oo Heshiisyo Kala Saxeexday
July 2, 2017 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)July.2,2017-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka carabta oo kale saxeexday heshiiska taariikhi ah oo lagu fulin doono mashaariic horumarineed oo ay Somaliland ka fullindoonto dawladda Imaaraadka carabtu qaybo ka mida Somaliland. Mashaariicdaasi oo ay ka mid yihiin waddada marinka ganacsi ee isku xidhi doonta Magaalo marseedka Berbera iyo Dalka Itoobiya (Berbera Corridor) iyo dhismaha madaar cusub oo ay yeelan doonto caasimada gobolka saaxil ee berbera. Heshiiskan ayaa noqon doona mid wax weyn ka tari doona kaabayasha dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana kor u qaadidoona isticmaalka dekadda Berbera iyo ganacsiga soo jireenka ah eek a dhexeeya labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland, sidoo kalena hor seedi doona shaqo abuur. Waxaana heshiiskan Somaliland u saxeexay wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, iyadoo ay goob joog ahaayeen dhamaan wasiiradii hawlaha shaqo u joogay maalmahan halkaas. Source:Ramaas Related posts:DP Wolrd Oo Doonaysa Inay Gabi Ahaanba la Wareegto Dekadaha Gobolka Iyo Damaceega Mustaqbalka Ay La ... Dowladda Turkiga ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarkii horraantii toddobaadkan lagu qaaday guri... Halkan Ka Akhri:-Madaxweyne Siilaanyo Oo Kala Qaaday Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|