Xubno Wasiiro Ah Oo La Filayo Inay Tagaan Berbera + Wakhtiga Ay Tagayaan Iyo Ujeedada Socdaalkooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xubno Wasiiro Ah Oo La Filayo Inay Tagaan Berbera + Wakhtiga Ay Tagayaan Iyo Ujeedada Socdaalkooda
July 15, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Warar xog ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo la filayo in ay safar ku tagaan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Wasiiradan tagaya Berbera ayaa tiradoodu dhan tahay 5 wasiir,waxaana ay tagayaan maalmahan soo socda ,iyada oo lagu wado inay tagaan maalinka arbaca ama salaada midkood.

Ujeedada socdaalka waftigan ay ku tagayaan Berbera ayaa salka ku haya sida naloo sheegay sidii ay kulan ula qaadan lahaayeen madaxda shirkada Dp World ee dekeda Berbera muumasha iyo sidii ay kulan ula qaadan lahaayeen murruqmaalka dekeda Berbera oo dhawaan ka  hor mudaharaaday guriga ay magaalada Berbera ka dagan yihiin madaxda shirkada Dp World,kwaas oo labada dhinac uu ka dhaxeeyo khilaaf soo noqnoqday.

Wasiiraddan safarka tagaya ayaa waxa hogaaminaya wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,waxaana qayb ka ah wasiirka arrimaha dibada Sacad Cali Shire,Wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, iyo wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahin Aadan “Qabo”,sidoo kalena wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa la filayaa sida ay xoguhu sheegayaa n in uu usii dhaafo magaalada Burco.

 

2

 

COMMENTS
LINKS