|
|||||
WAJAALE NEWS
Xogo Soo Baxaya Oo La Xidhiidha Xilka Qaadistii Madaxwayne Siilaanyo Ku Sameeyay Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha
July 25, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay galab xilkii ka qaaday wasiirkii xidhiidhka goleyaasha iyo tiknolaajiyada Md. Cali Xaamud Jibriil. Warsaxaafadeed madaxtooyadu soo saartay waxa lagu sheegay in xilkaas loo magacaabay Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo hadda ka tirsan xisbiga KULMIYE, ahaana wasiirkii u dambeeyay ee warfaafinta ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Qoraalka xil ka qaadista waxa lagu yidhi sidan “Mudane, Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka qaranka ee Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada. Xilalka Qaranka ayey dabcigood tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaa, waxaanan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo aan xilkaa u soo magacaabay.” Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in madaxtooyadu Wasiir Cali ku qoonsatay arrimo la sheegay inay dhaceen intii uu madaxweyne Siilaanyo ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta. Wasiir Cali Xaamud Jibriil ayaa si weyn uga dhex muuqday kormeeradaas. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in xil ka qaadista wasiirkani noqon karto bilowga khilaaf ka dhex istaadhma madaxweynaha iyo ku xigeenka oo isagu ah murashax mar labaad u taagan isla jagadan uu hayo. Sababta koowaad ayaa ah in Wasiir Cali ahaa ninka ugu dhow ee la taliyaha u ah madaxweyne-xigeenka. Sababta labaad ayaa ah inaanay isku sin banaanayn madaxweyne-xigeenka iyo wasiirka xilka loo magacaabay. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|