|
|||||
WAJAALE NEWS
Xarunta Daraasaadka Siyaasada Ee CPA Oo Soo Dhawaysay Magacaabida Marwo Edna Aadan Ismaaciil
July 24, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N)-Xarunta CPA ayaa soo dhawaysay magacaabista marwo Edna Aden Ismaaciil loo magacaabay inay noqoto ergayga Jamhuuriyadda Somaliland ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya. Xarunta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku tidhi “Xarunta daraasaadka siyaasadda ee CPA (Center for policy analysis), waxa ay soo dhawaynaysaa magacaabista uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo u magacaabay marwo Edna Aden Ismaaciil inay noqoto ergayga gaarka ah ee wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Somaliya. Xarunta CPA waxa ay marwo Edna Aden u aragtaa inay tahay qofkii ku haboonaa xilkaas, marka laga shidaal qaato arrimahan: – Marwo Edna Aden waa qof haya taariikhda Somaliland oo bulshadana kalsooni wadareed ka haysata. – Beesha Caalamka xidhiidh wacan la leh oo saaxiibo badan ku leh – Waayo aragnimo iyo Aqoon fiican u leh oo u soo joogtay midnimadii hore, dawladnimadii hore, iyo burburkii dhacay iyo haatan halka dalku marayo. Edna Aden, waxay ka mid tahay guddiga aqoonsi raadiska Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaas daraadeed waxa ay CPA u aragtaa Marwo Edna Aden qofkii ku haboonaa xilkaas, waxaanay balan qaadaysaa inay la shaqayn doonto wixii awoodeeda ah, Allena waxay uga baryaysaa inuu xilkaas u fududeeyo.
Related posts:Madaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Ka Tacsiydeeyay Marxuum Cabdi Jaamac Xasan Oo Ku Geeriyooday Dalka Ing... Xubnihii Ururka Dhalinyarada JIIDALI Ee xukuumadu Habeen Hore xabsiga dhigtay Oo Caawa Lagala Baxay... Daawo ;Dooda Kulul oo Faraha Layskula Tagay Oo Dhexmartay Xil Cabdiraxmaan Xoog Iyo Xil Ruush Caraa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|