Weriye Ka Tirsan Tv-ga Qaran S/land Oo La Sheegay In Muddo Bil Ah Uu U Xidhan Yahay Maxakamad La’aan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weriye Ka Tirsan Tv-ga Qaran S/land Oo La Sheegay In Muddo Bil Ah Uu U Xidhan Yahay Maxakamad La’aan
July 26, 2017 - Written by Reporter:

IMG_7C6B37-3F7940-DC0B3A-D0F9E6-015205-E92C01

Hargeysa (W,N)- Weriye Siciid Ismaaciil Ducaale oo ka tirsan hawl-wadeenada Telefishanka Qaranka ayaa la sheegay inuu muddo soddon maalmood amarka Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani) ugu xidhan yahay xarunta Dembi-baadhista Hargeysa.

Sababta xadhiga weriye Siciid Ismaaciil u amray Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani ayaa lagu sheegay inuu  ka dambeeyey ka dib markii lagu eedeeyey inuu jebiyey muraayad dhinaca hoose kaga taalay albaabka hoolka Tiyaatarka Wasaarada Warfaafinta.

 

Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani iyo masuuliyiinta kale ee wasaarada iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka oo isku deynay inaan wax ka weydiino, ayaanay noo suurtoobin, isla markaana aan wax tafaasiil ah ka bixinin, sababta xadhiga weriye Siciid Ismaaciil, oo hadii markhaati ku cadeeyo xitaa mudnaa in qaab ka wanaagsan, laguna luminayn kalsoonidii weriyaha iyo dhamaan inta kale ku dhameeyaan.

yh

Inbadan oo ka tirsan shaqaalaha wasaarada warfaafinta ayaa si weyn isku weydiinaya sababta keentay in qof shaqaale ah oo dembiga lagu eedeynayey yahay muraayad yar, xadhigisa loola doontay xarunta CID-da oo baddi lagu xidho dadka dembiyada waaweyn sida argagxisada loo haysto lagu baadho, laguna xidho.

Dembiga mudadda soddonka maalmood loo haysto weriyahan ka tirsan Telefishanka Qaranka ayaan weli caddeyntiisa loo gudbin hay’adaha garsoorka iyo maxkamadaha, isla markaana xadhigiisu u muuqdaa mid baalmarsan sifaha sharciga & qawaaniinta dastuurka JSL ee ixtiraamaya xuquuqal-insaanka.

COMMENTS
LINKS