|
|||||
WAJAALE NEWS
Wefti Uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Kulmiye Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Bristol
July 24, 2017 - Written by Reporter:Bristol(W,N)-Wefti xisbiga KULMIYE katirsan oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, isla markaana ay xubno ka yihiin guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Md.Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) iyo siyaasi Axmed Muumin Seed oo kamid ah saraakiisha sare ee KULMIYE, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Bristol ee carriga Ingiriiska, waxana halkaas ku qaabilay saraakiisha xisbiga u qaabilsan deegaannadaas iyo taageerayaal tiro badan oo KULMIYE katirsan. Weftigan oo hawlo shaqo ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha xisbiga u qaabilsan magaalada Bristol iyo taageerayaal kala duwan, waxana ay kala sheekaysteen sidii looga wada shaqayn lahaa inuu xisbigu mar labaad ku guulaysto talada dalka. Madaxda xisbiga u qaabilsan magaalada Bristol oo kulamo kala duwan wada qaatay, ayaa si qoto dheer iskaga xog-waraystay sidii ay isku duubni ugaga wada qayb-qaadan lahaayeen guusha xisbigu raadinayo, isla markaana taageerayaasha kala duwan ee xisbiga, gaar ahaan kuwa deggen dalka Ingiriiska loogu wacyigelin lahaa inay qaybtooda qaataan. Sidoo kale waxa ay weftigu warbixinno ay xaaladda dalka iyo midda xisbigaba kaga warramayaan siiyeen madaxda iyo taageerayaasha xisbiga ee magaalada Bristol, waxana ay ku boorriyeen inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan, una guntadaan inuu xisbigu mar kale talada dalka ku guulaysto.
Related posts:"Muuse Intuu Beertiisa Isku Sawirayo Ha Tago Ceel Af-weyn Iyo Goobaha Colaaddu Ka Socoto" Xil: Nacna... Markii Ugu Horaysay Wajigii Siyaasadda Ee Silsiladii Siinlay Waxa Carabka Ku Dhuftay Abwaan Maxamed ... Qarax Nooca Miinooyinka Dhulka Lagu Aaso Oo Lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Ammaanka Maamulka Jub... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|