Waxaan Halkan Cod dheer Oo Baaq Nabadeed Ah U dirayaa Dadka Walaalaha Ah Ee Ceel-afwayn W/Q: Aqoonyahan Ahmed jaamac saalax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxaan Halkan Cod dheer Oo Baaq Nabadeed Ah U dirayaa Dadka Walaalaha Ah Ee Ceel-afwayn W/Q: Aqoonyahan Ahmed jaamac saalax
July 24, 2017 - Written by Reporter:

Anigoo ah Ahmed jaamac saalax Waxaan Halkan Cod dheer oo Baaq Nabadeed ah udirayaa Dadka walaalaha ah ee isku abtiga ah ee is dhalay ee ilaahay kuwada uumay degaanada Ceel Afwayn,Darar wayne iyo Dogoble ee shaqaaqada cusubi ee kasoo cusboonaatay ee dirirtuna kudhex martey degaanka Dararwayne ee hoos yimaada degmada Ceel Afwayn. Halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawacba is barkan yihiin, Runtii may ahayn dhacdo loo fadhiyay oo lafilayay inay dib usoo laabato marka la eego marxalada iyo duruufaha adag ee nololeed uu maanta dadkeena iyo dalkeenu kujiro ,

Waa ayaan daro wayn oo usoo hooyatay dadkeena maanta in 7 qof iyo 18 dhaawac ahi ay dhacdadani galaafatay oo ay naftoda kuwaayaan ,waana wax aanay uqalmin iney kuwaayan naftooda qaaliga ah .Waxan usoo jeedinayaa dadka walaalaha ee wax badan wadaaga ee dadka iska xiga iney xabada iyo dhibka joojiyaan oo ay ilaahay ka cabsadaan, walaalayaal waynu ognahay in dagaal wiil uu dilo mooyee wiil aan lagu dhalin ,fadlan dagaalka joojiya maaha waqtigii dagaalka waxaad kujirtaan duruufo adag oo nololeed ,waxad tihiin dhal iyo dhasheed waxay ahayd inaad is caawisaan ood wax is tartaan may ahayn waqtigii aad xabad isku quudhi lahaydeen ,Dilka aad abtigaa iyo walaalkaa aad ugeysto sharaf ku heli maysaan ee waad ku cadaab galeysaan walaalayaal
Ogaada qofkii wax diloow ehlu naar baad tahay kii dagaalkas iyo colaadas kudhintana ogow adna ehlu naar kale ayad tahay oo cadaab ayaa kugaleysaa ee walaalayaal ee alle unoqda oo idinkuna dib iskugu noqda.

Waxaan kale oo aan halkan Baaq dheer uga dirayaa dhamaan salaadinta iyo cuqaasha iyo culimida iyo wax garadka iyo siyaasiga iyo aqoonyahankaba ee degaanadas kasoo jeeda iney ka hawl galaan guntigana dhiisha isaga dhigaan sidii colaadas aan caqlig iyo cilmiga kudhisneyn ee sheydaan ka shaqeeyey ee labadas walaalaha ah dhex martey in sida ugu dhakhsaha badan leh laga shaqeeyo loogana howl galo arintaaas inta aanay khasaare intaas kabadan aanu dhicin
Waxaan kale oo aan halkan baaq uga dirayaa xukuumada qarankan masuulka ka ah ee madaxwayne siilanayo hogaamiyo ,Arrintani waa arin laba kacleen ah waana markii sadexaad ee ay dhacdadani soo noqoto, Dawladu waa iney qorshe ka yeelataa waana waajib saaaran xukuumad ahaan inaad goaan adag ka qaadataan, maaha in dadkeenu maalin kasta si macno daro ah oo aan caqli iyo xigmad ku fadhiyin ay nafahooda qaaliga ah uwaayaan mana aha wax la aqbali karo .
Waxan xukuumada usoo jeedin lahaaa war shacab matihidiin ee dawlad baad tihiine goaankiinu hanoqdo mid fula oo hirgala ,maaha inaad maalin kasta intaad goaan soo saartan uu noqdo mid fuli waya oo meel mari waaaya ,taasina waxay meel kadhac ku tahay dowladnimada ,cid kasta oo nabadgalya iyo wada noolaanshaha dadka iyo degaankasba wax udhimaya inaad gacan adag ku qabataan sharcigana la tiigsataan .
Ugu dambeen Waxaan ilaahay kabaryayaa intii dhimatayna inuu unaxariisto inta dhaawaca ahna uu caafimad sareecan ah siiyo aamin aamin

Wabilaahi Towfiiq
Aqoonyahan Ahmed jaamac saalax

COMMENTS
LINKS