Wasaarada Duuulista Iyo Hawada Jsl oo Si Hoose Uga Jawaabtay Eriga laba Shaqaale ah Oo laga Caydhiyay Shaqadii Ay ka Hayeen Madaarka Caasimada, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Duuulista Iyo Hawada Jsl oo Si Hoose Uga Jawaabtay Eriga laba Shaqaale ah Oo laga Caydhiyay Shaqadii Ay ka Hayeen Madaarka Caasimada,
July 1, 2017 - Written by Editor:

Warsaxaafadeed-Arintaasina waxay ka hor imanaysaa xeer hoosaadka anshaxa shaqaalaha madaarka caasimada, cid kasta oo ku kacda hawl aan loo dirana waxa la marinayaa hanaanka anshaxa u yaala shaqaalaha madaarka. AFHAYEENKA WASAARADA DUULISTA

Hargaysa (W,N) Waxaan halkan kaga jawaabaynaa warar been abuur ah oo ay baahiyeen warbaahinta  qaarkeed, kaas oo ku saabsanaa in laba shaqaale ah oo ka tirsan shaqaalaha madaarka hargeisa shaqada laga joojiyay  ka dib marki ay salaameen gudoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa xisbiga wadani.

Waxaan halkan uga cadaynaynaa guud ahaan shacbi waynaha JSL iyo cid walba oo ay khusayso, in labadaas shaqaalaha ah ee shaqada looga joojiyay ay ka tirsan yihiin waaxda amniga ee madaarka caasimada, waxaana shaqada looga joojiyay ka dib markii ay ku kaceen dayacaad shaqo, iyaga oo soo cidleeyay shaqadii ay qaranka u hayeen ee ahayd baadhista dadka iyo rakaabka madaarka ka dhoofaya wakhti shaqadii socoto, iyaga oo ka qayb galay soo dhawaynta waftiga gudoomiyaha golaha wakiilada  ahna musharaxa xisbiga wadani mudane cabdiraxmaan maxamed cabdilahi ciro.

Arintaasina waxay ka hor imanaysaa xeer hoosaadka anshaxa shaqaalaha madaarka caasimada, cid kasta oo ku kacda hawl aan loo dirana waxa la marinayaa hab anshaxa u yaala shaqaalaha madaarka.

Maadama lagu jiro wakhtigii xagaaga isla markaana madaarka caasimadu uu mashquul ku yahay adeeg u fidinta rakaabka soo dagaya ama dhoofaya, dhamaan shaqaalaha madaarka waxa laga rabaa inay u gutaan waajibaadkooda shaqo sidii loogu talo galay, iyada oo shaqaalaha ay ka mamnuuc tahay inay ka baxaan goobta shaqada wakhtiga ay shaqada ku jiraan ama ay tagaan goob kale oo ayna shaqo ku lahayn, iyada oo mar walba lagu adkaynayo lagana rabo  inay ku sugnaadaan goobta shaqada.

Soo dhawaynta wufuuda dalka iyo kuwa caalamka, waxa madaarka u qaabilsan shaqaale gaar ah oo lagu carbiyay hawshaas inay qabtaan, sidaas darteed shaqaale waynaha kale ee madaarka looma ogola inay ku mashquulaan soo dhawayn maadaama laga rabo inay ku sugnaadaan goobtooda shaqada wakhitaga ay shaqada ku jiraan.

Madaarka caasimadu waa madaar caalami ah oo ay ka hawl galaan diyaarado caalami ah , iyo iyo Maxali ah ba sidaas darteed wuxu adeeg isku mid ah u fidiyaa dhamaan dadwaynaha JSL mucaarid iyo muxaafidba, iyada oo cid walba la siiyo maamuuska ay mudan tahay iyadoo maanka lagu hayo duruufaha amni ee mandaqada ka jira.

 

Ismail Ali Ahmed

 

Afhayeenka W Duulista H iyo G Cirka

Mob: +252 63 4424571

Email: prm@mocaat.com

 

Email: Publicrmedia@Gmail.com

COMMENTS
LINKS