War-Deg-Dega:Madaxwayne Silaanyo Oo 400 Maxbuus Cafis U Fidiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega:Madaxwayne Silaanyo Oo 400 Maxbuus Cafis U Fidiyay
July 27, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)JuWarar xog ogaal ah ilo oo loogo qaateen ah ayaa waxay sheegayaan in madaxwayne Siilaanyo uu maanta cafis madaxwayne u fidiyey in ka badan 400 oo maxbuus oo ku kala xidhnaa xabsiyada waa wayn ee gobolada dalka.

Maxaabiistan uu  madaxwayne Siilaanyo cafiska u fidiyey ayaa tiradooda naloogu sheegay 489 Maxbuus oo ku xidhnaa jeelasha gobolada dalka,kuwaas oo ku xukunaa danbiya fudud.

Maaha markii u horeysay ee madaxwayne Siilaanyo cafis madaxwayne ku sii daayo maxaabiis ku xidhan xabsiyada dalka,balse dhawaan ayay ahayd kadib markii uu maxaabiis tiro badan cafis u fidiyey kuwaas oo ku jiray jeelasha Burco iyo Borama,ayna sabab u ahayd kadib markii jeelasha uu ka dilaacay xanuunka Shuban Biyoodku.

 

COMMENTS
LINKS