War-Deg-Dega: Ciidamo Xoog Kula Wareegay Goob Xisbiga Wadani Ku Qabsanayay Xaflad Degmada Alaybaday + Ciidamada Oo Burburiyay Goobtii Xafladu Ka Dhici Lahayd Iyo Waftiga Wadani Oo Ku Sii Foole Iyo Dadwaynaha Oo Kacsan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega: Ciidamo Xoog Kula Wareegay Goob Xisbiga Wadani Ku Qabsanayay Xaflad Degmada Alaybaday + Ciidamada Oo Burburiyay Goobtii Xafladu Ka Dhici Lahayd Iyo Waftiga Wadani Oo Ku Sii Foole Iyo Dadwaynaha Oo Kacsan
July 31, 2017 - Written by Reporter:

Alaybaday(W,N)-Wararka Hada naga soo gaadhaya degmada Alaybaday soona gaadhaya xafiiska warqabadka Shabakada Wararka Wajaalenews ayaa waxay sheegayaan in Ciidanka Booliska Degmada AllayBaday Ee Gobolka Gabiley ay saaka la wareegeen goob xisbiga mucaaradka wadani uu ku soo dhaweeynayey taageerayaal  degmada Allabay ee ka soo digo rogta xisbiga kulmiye kuna soo biiray xisbiga mucaaradka Wadani islamarkaana maanta xaflad loogu qabanayo degmadaasi Allaybaday waxana ay sheegayaan wararka ka imanaya degmada  allaybaday waxay sheegayaan in xukuumada kulmiye ciidan ku rogtay burburisayna goobtaasi uu xisbiga wadani xaflada ugu qabanayey taageerayaasha ku soo biiray iyadoo uu Saaka degmada Allaybaday ku soo fooleeyahay wafti balaadhan oo xisbiga wadani ah.

Waftigaasi Culus oo horkacayo gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka Wadani Cabdiraxamaan Cabdilaahi Cirro ayaa la filayaa in ay goor dhaw gaadhi doonaan degmada Allaybaday halkaasi oo ay kaga qaybgalayaan munaasibada loo qabanayo taageerayaasha mugaleh ee ku soo biiraya wadani.

Sidoo kale jawiga Daegmada Allaybaday ayaa saaka la sheegaya in uu aad u kacsanyahay islamarkaana dadweynaha oo kacsani ay tumanyihii dariiqyada iyaga oo uu Gidaar walba Ka Ba,banayo Calanka Astaanta U ah xisbiga mucaaraka ee wadani iyada oo ay dadweynuhu isku diyaariyeen soo dhaweynta wafti xisbiga wadani ee ku sii jeeda magaalaaasi Allaybaday .

Kala Soco Wixii Warara Ee Kasoo Kordha Shabakada Wararka Wajaalenews.net

breaking-news

COMMENTS
LINKS