Wafti Wasiiro Ah Oo Ka Socda Itoobiya Oo Waji Gabax Kala Kulmay Xukuumada Somaliland Kana Dhoofay Madaarka Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Wasiiro Ah Oo Ka Socda Itoobiya Oo Waji Gabax Kala Kulmay Xukuumada Somaliland Kana Dhoofay Madaarka Hargaysa
July 8, 2017 - Written by Reporter:

download

 

Hargeysa(W,N)-Waxa Hargeysa shalay ka ambabaxay wafti heer sare ahaa oo ka socday dawlada Itoobiya,kuwaas oo doonayey inay suurto galiyaan sidii ay korontada Itoobiya usoo galin lahaayeen Somaliland,kadib markii ay khilaaf xoogan kala kulmeen ujeedadii ay u yimaadeen.

Waftigan Itoobiyanka ah oo ka koobnaa wasiirka Tamarta iyo Biyaha Itoobiya iyo wakaalada maamusha Korontada dalkaasi ayaa dalka dib uga laabtay kadib markii ay caqabad kala kulmeen shirkadd la yidhaa East Afrika iyo shirkado kale oo Somaliland laga leeyahay,kuwaas oo mid kastaaba gaarkeeda u doontay inay iyadu mashruucaas qaadato.

Sidoo kalena dillaaliin ka tirsan xukuumadda ayaa saamayn dheeraad ah ku kordhiyey culayska khilaafkii ay la kulmeen waftigani ,waxaana ay arrimahaasi oo is biirsaday waftigii ku keeneen niyad jab sababay inay faro-madhnaan dalka kaga baxaan.

Ilaa hadda lama garanayo waftigan cidda keentay dalka iyo nidaamka ay ku socdeen,xukuumadda Somaliland-na wax war ah kamay soo saarin,balse ilo wareedyo u dhuun daloola ayaa  sheegay in waftigan ay u socdeen inay Somaliland heshiis kala saxeexdaan si korontada Itoobiya loo soo jiido.

Warar xog ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in shirkad la yidhaahdo East Afrika oo ajanabi ah oo ogolaansho uu siiyey madaxwayne ku xigeenka Somaliland muddo dheer ay waday qorshe ay mashruucan doonayso inay ku fuliso,waxaana biraha laydhka qaada kasoo jiiday xadka Itoobiya,iyada oo soo gaadhsiisay deegaanka Garayo-cawl oo ka tirsan xadka Itoobiya.

Shirkaddan ayaa la sheegay inay hawl-galkeedii hakisay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland,hase’yeeshee waxa jiray dadaalo ay shirkadaasi iyo badhasaabka gobolka Awdal ku doonayeen inay hawshaasi ay fusho,balse ilaa hadda halkii lama dhaafin mashruucaasi.

Sidoo kalena waxa jiray shirkado fara badan oo Somaliland laga leeyahay kuwaas oo hore u shaaciyey inay ogolaansho u haystaan keenista laydhka Itoobiya,iyada oo shirkada Korontada Itoobiya iyo masuuliyiin kale oo farsamo yaqaano ah sahan ku sameeyeen Somaliland sidii loo keeni lahaa laydhkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadaas oo dhami dhamaantood waxay noqdeen kuwo ragaaday oo aan midho dhalin,lamana oga sababta ay u socon waayeen ,hase yeeshee waxa jira sababo badan oo la odhan karo waxa kamid ah xukuumadda Somaliland oo aan wali qorshe cad ka samayn fulinta mashruucani.

Khilaafkan ugu danbeeyey ee hadheeyey socdaalka waftigii Itoobiyaanka ahaa ayaa noqday mid gaadhay madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo ah ku simaha madaxwaynaha, waxaana la sheegay in uu ku taliyey inay dib ugu noqdaan dalkooda,isla markaana ku wargeliyey xukuumaddiiisu inay dib u maarayn doonto hawshan.

Somaliland ayaa wali la tacaalaysa qorshe ay doonayso inay ku midayso shirkadaha korontada Somaliland,kuwaas oo u kala fadhiya laba dhinac oo waa wayn, balse ilaa hadda laguma guulaysan in tafaraaruqa lasoo afjaro.

Ganacsatada leh shirkadaha korontadda ayaa ogaaday faa’iidada Korontada ay maamulayaan,waxaana damaca ugu balaadhan sii galiyey mashaariic waa wayn oo Baanka Aduunka iyo dalalka daneeya korontadu siiyeen shirkadaha qaarkood.

Mashaariic laydhka dhalinayo dabaysha iyo cadceeda ayaa Somaliland goboladeeda ka socda,hadana waxa wali shacabka culays ba’an ku haya qiimaha laydhka oo inta badan ay ka helaan shirkadda Korontada oo isticmaala mashiino ku shaqeeya Naafto iyo xadhko kharash badan ku haya.

Korontada Itoobiya ee laga dhaliyo Biyaha ayaa muddo badan la hayey in dalka la keeni doono,taas oo inta badan la hadal hayo inay qiimaha laydhka wax badan ka jabnaan doonto tan mashiinada ee ay shirkadaha Somaliland macaamiishooda siiyaan,waxaanna ay dawlada Itoobiya qaadhaan ka ururisay dalalka dariska ah oo ay Somaliland ku jirto.

COMMENTS
LINKS