“Wadaadada Sebenku Aniga Iima Wada Wadaad Aha, Diin Lacag Lagu Doonayo Oo Hadba Siday Ugu Badinayso loo Dhigo ka Dhegaysanmaayo”. Muj.Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wadaadada Sebenku Aniga Iima Wada Wadaad Aha, Diin Lacag Lagu Doonayo Oo Hadba Siday Ugu Badinayso loo Dhigo ka Dhegaysanmaayo”. Muj.Cali Guray
July 31, 2017 - Written by Reporter:

cali-guray

Hargaysa(W,N)-Muj.Cali Yusuf Cali Guray Oo Ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye ayaa dhaliilo u soo jeediyay culimada Dalka, waxaanu qoraal kooban oo uu saluug kaga muujinayo sida ay uga hadleen kaniisad laga dhisayo magaalada Hargaysa oo culimada dalku dhawaanahanba si adag uga hadlayeen,waxaanu u dhignaa qoraalka Muj. Cali Guray sidan:

WASIIRKU WAA SAX
Kkkkkkkkkkkkkk Waxba iima sheego wadaad danayste ah oo wahaabi ah oo Remote Controll lagu hagayo oo is maqashiinaya cid kale oon inagaba ahayn oo loo tarjumayo oo dabeed lacag ku soo bixinaya. Anigu waxba ma waydiiyo waayo hadalkiisu waa MAR HADUU LILAAHIDA KA BAXO LEEXAY DABADEED oo waan aqaan waxiisu waa hadba diintii lacag leh. Anigu cid ma sheegin laakiin wadaadada sebenku aniga iima wada wadaad aha. Diin lacag lagu doonayo oo hadba siday ugu badinayso loo dhigo ka dhegaysan maayo. Waa kuwa guddi kasta lagu daro ee bal ka warama inta ay idin taraan iyo inta ay idin yeelaan. Go’aanka xukuumaddu waa sax kuwa wax soo siiya wadaadada qaar dhulkooda kiniisado way ku yaalaan kama hadlaan laakiin kuwan hamigooda ugu wayn iyo inta cilmigoodu gaadhaaba ay aduunyo ku kooban tahay wax aan lacag iyo xukun ahayn dan iyo muraad kama galaan.
Qarnigii 21aad ayay marayaan waa la ina gaalaynayaa 200 oo sanadood ka hor ayaa markii laga quustay Soomaali ee la gaalayn kari waayay la iskaga tegay. Intii Hargeysa ku yaaleen ilaa Ingiriiskii bal waydiiya ninka leh waa la ina gaalaynayaa inta qof lagu gaaleeyay.
Maanta dunidu tii maaha shaashadaha Tv-yada iyo Baraha warbaahinta Bulshada ayaa laga wada socdaa oo la iska helaa oo kii laga musliminayo iyo kii laga gaalayn karaba u fudud. Markaa waxan idin leeyahay kuwan idiin wadaadaynayaa waa kuwo lacag urursi uun ku mamay oo meel kasta iyo si kasta oy ku helayaanba ay mubaax u tahay ee waxba ha ka dhedaysanina inta go’aanka xukuumadda ee Wasiirku shaagay ayaa sax ah

 

 

 

COMMENTS
LINKS