Tartamayaasha Doorashada Maxtooyada Ee Somaliland Miyey Hurdaan Mise Q:6? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tartamayaasha Doorashada Maxtooyada Ee Somaliland Miyey Hurdaan Mise Q:6?
July 26, 2017 - Written by Reporter:

Faan,iyo Wax ka sheegid siyaasi kale,taasna waxaa weheliya muuqaal qaybyaaladeed oo ah in uu yahay nin reer habel ah.

3) Cadaalad iyo Garsoor Xumo:

Cadaaladu waa aas aaska jirida dawladnimo,waana isha ay ka soo baxdo kalsoonida qofku ku qabo dawladiisa,sidaas darteed waa muhiim in dawladu mar kasta si gaara uga war hayso fulinta, ilaalinta,iyo horumarinta dhamaan adeegyada cadaalada ee qaranka,waxaa cad in Somaliland heerka cadaaladu aad meel hoose u taagan yahay,dawladuna aaney wax muuqda ka qaban, kolkaas isbedel dhaqso ah ayaa loo baahan yahay, ilaa hada dhibbooyinka ugu badan ee sameynta ku leh abniga qaranka waa dhibaatooyinka la xidhiidha: a) Dhulka oo laysku qabsado b) Caruurta edebta daran ee magaalooyinka waaweyn ka geysta dhaca,tuugada iyo is kooxaysiga, oo keena dhibaatooyin gaarsiisan nafo baxa. Waa kuma hogaamiyaha sharaxan ama xisbiga inoo sheegay waxaa uu ka qabanayo dhibaatyooyinkaasi. 99% Xisbiyadu waxaa ay ku faanan waxaa nagu soo biirey rug cadaadi ama akhyaar ka soo diga rogtey meel kale tani maaha waxaa ay dadku rabaan waxaa la rabaa maareynta dhibaatooyinkaasi sidii musharaxu u wajahi lahaa balse nin ama gabadh ku soo biirtey xisbi waa iska maadeys siyaasadeed ay ku meereystaan siyaasiinta aan waxba isla haynin. Waa maxay Cilmiga,ama caqliga ay ku soo kordhinayaan siyaasintan xafladaha loo sameeyaa ma heliysid barnaamuj diyaarsan oo xitaa ay inoo sheegaan waa wax lala yaabo caqliga noocaas ahi waxaa keliya oo aad ka faa’iidnaa waa : Faan,iyo Wax ka sheegid siyaasi kale,taasna waxaa weheliya muuqaal qaybyaaladeed oo ah in uu yahay nin reer habel ah.Runtii macnaha qudha ee dadka sawirada u sameyneysaa waa in lagu sunto in reero badani taageersan yihiin xisbigan balse taasi ma aha xaqiiqada jirta ee waa nooc ka mid ah khiyaamooyinka ay isticmaalaan hogaamiyaasha uun raba iney ku guuleystaan doorasho balse aan lahayn aragti ka fog kursi.Yaa balan qaaday in haddii siyaasiin beelo ka soo jeedaa ku soo biiraan xisbi in reerka ay ka soo jeedaana uu kuwada biiri doono xisbigaa waa mid aan waxba ka jirin balse lagu soo jiidanayo uun dadkale Marka aanu si fiican ugu fiirsano ficilada tartamayaasha iyo xisbiyadoodu ma aha kuwo hurda ee waa kuwo ku  talagaley siyaasada noocan ah.Talo waxaa iga ah cabirkeenu (halbeegeenu) ha noqdo ayaa dadkeena iyo dalkeena wax tari kara oo ka saari kara xaalada uu ku jiro ee dhinacyada siyaasada,dhaqaalaha, iyo arimaha bulshada, balse aanu noqon doorasho ku saleysan wax ku cabirid kan baa ila reer ah ogow ina adeerkaa oo aad og tahay inuu wax matare yahay in aanad waxba ku aaminteen hantidaada gaar ahaaneed si uu kugu shaqeeyo oo maalgelin kugu sameeyo, sideed ugu aminaysaa masabka dadkaaga iyo dalkaaga oo ay ku jirto hantidaada,horumarkaga iyo kan qoyskaga iyo reerkaga aad wax la dooneysid soo maha in aad adigu masuulka tahay khasaaraha halkaa ka dhashay. Anigu ma qabo in dadka reer Somaliland loo filqo qoysqoys balse waxaa aan aaminsan ahay in ay yihiin dad isku isir ah,iswada dhaley walaalo ah siman,sidaa darteedna ay waajib tahay in ay doortaan midkasta oo ay ku aamini karaan dalkooda iyo dadkooda leh karti,aragti horumarineed,wadaniyad,Allah yaqaan ah,naxariis iyo cadaalad ku astaysan,aan dantiisa kan horumarin danta qarankiisa, u soo diyaar garobey inuu keeno isbedel dhaba oo kor ugu qaadayo dhaqaalaha dalka,difaaca iyo nabadgelyada,waxbarashada iyo caafimaadka. Balse mid soo shaqo tegey oo raba in uu dadkan iyo dalkan wax ka siidayo oo sii feynfeynto caqliga odhanaya reernimo Ayaan ku taageerayaa waa mid aan xisaabtameyn oo raba inuu god madoow ku hubsado noloshiisa iyo tan qaranka Somaliland hadaba dadka reer Somaliland bay jirtaa jidka ay u marayaan in dalkooda god madow ku ridaan iyo in ay dhistaan dal ku filan oo caalamka ka mid ah,ubadkooduna la mid noqdaan ama kaba sareeyaan caruurta filkooda ah ee caalamka  kana maarmey dawarooyinka(begging)  looga soo baaheeyo caalamka kale iyaga oo Allah(swt) u Baahin balse waalidkood ,siyaasigood,caaqilkoodu baday dawarsiga.Sidaa darteed miyaanan qiimeyn Karin  ku yahay siyaasiga aynu rabno in aynu ku aamino dalka iyo dadka iyo xisbiga kaalintaasi geli kara kuu noqon doono, mise waxaaynu nahay dad aan kala garan Karin hogaamiyaha saxa ah oo hadhowna calaacal miciinsada. Wax garad baa laga hayaa Berberi Wax go lagu qaado ka weyn, Aniguna waxaa lee yahay Somaliland wax reernimo hogaamiye  lagu xusho ka weyn!.

Dhamaad.

 

Mahadsanidiin dhamaantiin,Allah(swt) ayaa ay u sugnaatey mahad dhamaanteed

M J Farah. Political analyst and writer, BEng (Hon), BA, AVCE, Cert. C. Journalism

©Hogaanka.wordperss.com

 

COMMENTS
LINKS