|
|||||
WAJAALE NEWS
Sucuudiga Oo Lagu Tilmaamay Inuu Yahay Isha Xagjirnimada
July 5, 2017 - Written by Reporter:Warbixin ay soo saartay hay’ad samaysa daraasaadka ayaa Sacuudi Carabiya ku eedeysay inay tahay meesha ugu weyn ee ay ka soo baxaan Islaamiyiinta xagjirka ah ee Britain. Warbixintan xambaarsan eedeyntan culus ee ay sameysay hay’adda the Henry Jackson Society ayaa ku soo beegmaysa xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar laga filayo inuu gudbiyo jawaabta dalkiisa ee ku aaddan dalabkii Sucuudiga ee ahaa in Qatar ay joojiso taageeridda argagixisada. Wasiirrada arrimaha dibada ee dalalka Masar, Sucuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa maanta magaalada Qaahira uga shiraya muranka Khaliijka, afar usbuuc uun ka dib markii ay xidhiidhka u jareen Qatar. Warbixinta the Henry Jackson Society ayaa lagu sheegay in shakhsiyaad iyo shirkado Sucuudi ah ay dibadda u dhoofinayeen wax ay hay’addu ku tilmaantay ‘fikradda Wahaabiyada ee aan loo dulqaadan karin’. Sacuudigu waa saaxibka ugu weyn ee Britain iyo jaalka xagga baayac mushtarka ee Britain ku leedahay Bariga dhexe. Xisbiga ugu weyn mucaaradka Britain wuxuu ugu baaqay xukuumadda inay shaaca ka qaaddo warbixinteeda sirta ah ee xagjirnimada. Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar waxaa lagu wadaa inuu dhawaan shaaca ka qaado jawaabta waddankiisa ee ku wajahan liiska dalabaadka ee ay soo bandhigeen dalalka uu Sacuudigu hogaaminayo, kaasoo la xidhiidha in Qatar ay taageerto argagixiso. Wasiirrada Arimaha dibadda ee Masar, Sacuudiga, Iimaaraadka iyo Baxrayn ayaa iyagana isugu imaanaya Qaahira si ay mushaakilkan uga arrinsadaan, ka dib markii ay 4 todobaad ka hor aad u wiiqeen xidhiidhkii ay la lahaayeen Qatar.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|