Somaliland Markayga W/Q: Khadar adam aw muuse | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Markayga W/Q: Khadar adam aw muuse
July 29, 2017 - Written by Reporter:

Markaa maanta .sadexda xisbi ee jira laba reer baa leh, midna reer baa leh , waana sadexda xisbi ee ku tartamaaya saaxada , hadaba ma laba mise mid

  29/7/017

Dalkeenu waxa uu ku dhisan yahay xisbiyo ku salaysan qabiil , gudoomiye kastan  oo xisbina waxaa loo nisbeeyaa in uu qabiilkiisu xisbigaa uu gudoomiyaha u yahay leeyahay, tiiyoo taasi jirto ayaan hadan wax qaran wada leeyahay oo dad ka dhaxeeya aan meesha la   soo dhigan, oo gudoomiye kastaa reerkiisa ayuu  ku tiirsan yahay, oo taloodada iyo arinkooda uu ku dhaqmaa kuna socdaa ,ismana yidhaah waar waxu waa wax qaran leeyahay, markaa qabiil kasta nasiibkii, markaa waxaanu isnidhi tanay wax ku fahmaysaaye bal sidan ugu dhig .

Markaa maanta .sadexda xisbi ee jira laba reer baa leh, midna reer baa leh , waana sadexda xisbi ee ku tartamaaya  saaxada , hadaba  ma laba mise mid , laba xisbi waxaa leh reerka layidhaah garxajis , waan fursad ay heleen ,oo aanan u malaynayo  in  aanay  soomari doonto  reer Somaliland aa kale,  waayo laba xisbi oo reer wada leeyahay  waa awood ,ay  wax ku bedeli karaan ,isbedelna ku keeni karaan

Waayo waxaa tusaale uah, markii uu kulmiye xukunka doonanyey , waxaa shir reernimo oo habar xabuusheeda ah lagu qabatay  gar adag, waxii ka soo baxayna waxay sababtay in kulmiye ku guulaysto, xukunka .xukumadii  udubna uu meesha kasaaro   kuna baabiiy,

Kulmiye markaa waxa uu ahaa xisbi reer kaliya, ucidna waxay hayd xisbi reer kaliya, udubna waxay ahyd xisbi reero , in kastoo xisbiyo qaran lagu sheegi jiray,  laakiin maanta laba xisbi ayaa reer wada leeyahay, oo la odhan karo waa awood ka wayn tan dowladnimada , hadab maxaa la gudboon reerkaa labda xisbi nasiibku siiyey,

Reerku waxay leeyahiin ,aqoon yahano, siyaasiyiin,dhalinyaro, haween, odayaal caaqilo.iyo indheergarad, ma waxay garan laayahiin ,waxii  habar xabuusho  gartay, oo habar kaliya ahi , markaa hadhow laga yeeli maayo, dudmo , waa nalagaga shubtay iyo qas iyo ucid baa hayd  sub station kulmiye  ahayd .waxaasi idinka socon maayaan, iminkay  fursadu gacantiina ku  jirtaa .

“Taldu waa mar aad garnwaydo iyo mar aad gaadhiwaydo” waliba  ku darsoo  labs sano kadib doorashada madaxtooyada, waxaa lafuri doonaa xisbiyadii badnaa  ,markaa kulmiye isgu wali waa sii  taagnaan doonaa   ina kaahin baana   gudoomiya noqondoona , xisbiyo kale ayaa  saaxada soo galaaya, markaa halkaas baad saaxad siyaasada uu kaga bixi doonaa garxajis, oo isku daygaagii hore  ku fashilmay  , kii labaadna  hadad  ku fashilto. Sow sidii xuurta dushaas raqda ka eeg maaha   ,  fursad kale oo ay helaan maan sheegin,

Gabo gabadii

Markaa taasi dhacdana  ,waxay ka dhigan tahay  in  madxtooyada  laga ilaaliyo  garxajis  oo yaanay shaarubaha  saarayn  ilaa waligood ay u eeg  tahay   ,taasina way  wada khusaysaa  ciro iyo faysalba, ama col ahaada amba  ha ahaanina , wayna  idin wada  khusaysaa ,aqoonyahanka ,salaadiinta,dhalinyarada,haweenka ,taariikh xumadaasina , kaftan danbane markaas  ma  hadhin, madaxwaynahuna  jamhuriyada somalilandna axmed maxmed siilaayo  waa sida uu udhigay shaxda. Habar xabuushana waxay leedahay  habar awal , colbaanu nahay garxajise idinkuna colooba,

 

By; khadar adam aw muuse

mixile190@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS