Siyaasiga Saadaasha Guusha Jsl Muj. Abiib Diiriye (Abiib Timacad) Oo la filayo In Uu Dhawaan ku Biiro Xisbiga Mucaridka ah Ee Wadani Iyo Dabaylihii Isbadalka Oo Gobolka Gabiley ka Istaadhmay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasiga Saadaasha Guusha Jsl Muj. Abiib Diiriye (Abiib Timacad) Oo la filayo In Uu Dhawaan ku Biiro Xisbiga Mucaridka ah Ee Wadani Iyo Dabaylihii Isbadalka Oo Gobolka Gabiley ka Istaadhmay.
July 1, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Muj Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad )oo ka mid ahaa saraakiishii ururkii SNM Ee dib u xorayta gayiga Somaliland isla markaana qayb laxaadle kasoo qaatay dib u dhiskii jamhuuriyada Somaliland oo uu xilal kala duwan kasoo qabtay dhamaan xukuumadihii u kala danbeeyay Somaliland ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo uu hormuud ka yahay laga dareemayay caasimada  Hargaysa iyo guud ahaan gobolka Gabiley. Kuwaasi oo uu ugu digo rogonayo xisbiga mucaaridk ah ee wadani ,isagoo sida xogahani xuseen uu siwayn u saluugsan siyaasada xiligan ee xisbigii uu kamid ahaa .

ABIIB DIIRIYE

Abiib Diiriye ayaa isagu ka mid ahaa siyaasiyiintii lafdhabarta u ahaa guushii xisbiga kulmiye uu talada dalka ku hantiyay todoba sano ka hor taasi oo xilal kala duwan uu kasoo qaybtay balse Muj. Abiib timacad ayaa iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay xukuumada siilaanyo ka dib markii ay circa isku shareertay khilaaf xoogan oo ka dhexeeyay garabadii ku hirdamayay  kursiga murashaxnimo ee xisbiga kulmiye kaasi oo sobobtay in  uu kala irdheeyo saaxiibadii shalay  kulmiye ee sida wadajirka ah u keentay guushii 2010 ka

DIIRIYE

Dhanka kale wararka aanu ka helayno dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo maalmihii u danbeeyay ay wadaan xubno miisaan culus ku leh Somaliland  kana midka yahay Abiib Diiriye ayaa waxay tibaaxen in ay ku waajahan yihiin in ay cududooda siyasadeed iyo taageero  ku biirin doonaan xisbiga mucaaridk ah ee Wadani.

gabiley picture

muuse iyi askarigii wajaale

Siyaasi Muj. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) ayaa ah masuul ku suntan saadaasha isbadalada ka dhaca Somaliland  isla marakaana ka mida siyasiyiinta ugu miisanka culus Somaliland gaar ahaan gobolada Gabiley iyo Hargaysa oo uu ku leeyahay saamayn  balaadhan, isagoo mudaba dhawr jeerna  uu gadhwadeen ka ahaa guulihii ay talada dalka kula kala wareegeen xisbigii UDUB oo xiligii uu guulaystay ka mid ahaa tiirashii suurta galiyay in aan Siilaanyo kursiga ku fadhiisan halka dhinaca kale uu sideed sano ka dib uu ka mid noqday kulmiye oo xiligaa mucaarid ahaa hadana uu nasiib u helay in uu qayb muhiima ka qaato guushii xisbiga kulmiye oo ay laf dhabar u ahayd codadkii uu ka soo hooyay gobolka Gabiley iyo maroodi jeex sobobtayna guuldaradii xisbigii taladadalka hayay xiligaa ee Udub,

Sidoo kale Muj. Abiib Diiriye ayaa shacabka Somaliland ku tilmaamaan in uu astaan u yahay saadaasha isbadalka siyaasada somailand kaasi oo lagu garto xisbiga guulaysanaya.

TIMACAD

Halka gobolka gabileyna ay xiligan ka bilowdeen dabaylihii isbadalka  oo wakhtigan shacbiga Somaliland u arkaan in ay muhiim tahay in deg deg loo badalo xisbi xaakimka kulmiye  oo gabi ahaanba ku fashilmay hogaamintii dalka iyadoo bulshada aysoo waajahday cabsi ay ka qabaan hamsami usocodka hanaanka dimuqraadiya Somaliland oo mudadii xilka uu hayay madaxwayne siilaanyo mad madow badani ku miyimid

 

Si katstaba ha ahatee badi siyaasiyiinta gobolka gabiley ayaa xiligan iskugu biyo shubtay xisbiga mucaaridk ah ee wadani ,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS