Shirkada Dp World Oo Mar Kale Maanta Shaqadii Ka Fadhiisisay Shaqaale Tiro Badan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Dp World Oo Mar Kale Maanta Shaqadii Ka Fadhiisisay Shaqaale Tiro Badan
July 20, 2017 - Written by Reporter:

Berbera(W,N)-maamulka shirkada Dp World oo ah shirkada gacanta ku haysa maamulka dekeda Berbera ay maanta  shaqadii ka joojisey shaqaale badan oo waayeel ah.

Shaqaalahan ay shaqada ka joojisey shirkada Dp World ayaa tiradooda lagu sheegay inay ka badan yihiin 60 qof kuwaas oo  ay sheegeen in ay waayeel yihiin isla markaana hawl gab ay noqdeen.

Waxaana ay maamulku shaqaalahan u sheegeen in loo aqoonsaday hawlgab maadama uu sharciga shaqaalaha ee Aduunku dhigayo In Qofkii Cimrigiisu Gaadho 60 Sanadood Yahay Halgab hase yeeshee aan dalkeena Somaliland lagaga dhaqmin sharcigaas qofka shaqaalaha ahina uu shaqeyo ilaa inta uu tamarinayo.

Waxaana sidoo kale ay maamulku shaqaalaha usoo bandhigeen sida naloo sheegay inay siin doonaa lacag ay ku sheegeen inay tahay xaqoodii oo ah qadar lacaga oo dhan 2000$ (Laba Kun Oo Dollar) qofkiiba.

Shaqaalahan waayeelka ah ee shaqada laga joojiyey oo iskugu yimi maanta afaafka hore ee dekeda Berbera ayaa waxa naloo sheegay in ay ku gacan saydheen qadarkan lacagta ah ee loo soo bandhigay,iyaga oo sidoo kalena shaqaalahani ku dooday inay shaqayn karayaan isla markaana awoodooda qofnimo ay tahay mid shaqadeeda gudan karta sabab shaqada lagaga eryaana aanay jirin.

Waxaana shaqaalahani ay gabi ahaanba ku gacan saydheen go’aankan shaqo joojinta ah ee ay soo saareen maamulka shirkada Dp World ee la wareegtay gacan ku haynta dekeda Berbera.

Gabagabadiina mudooyinkii u danbeeyey waxa dib usoo if baxay khilaaf culus oo soo kala dhex galay maamulka shirkada Dp World iyo shaqaalaha dekeda,iyada oo shaqadii dekedana ay labadii cisho ee u danbeeyey aanay wax hawl ahi ka socon isla markaana ay shaqaalihii dekeda Berbera ee qaabilsanaa rarida iyo dajinta alaabooyinku ay shaqo joojin sameeyeen.

Ilaa hadda se lama garanayo halka uu saldhigan doono khilaafkan iyo talaabada ay qaadi doonto xukuumaddu.

 

COMMENTS
LINKS