|
|||||
WAJAALE NEWS
Shaqaaqooyin Ka Dhacay Meel Aan Ka Fogayn Masjidul Aqsa
July 21, 2017 - Written by Reporter:Ciidanka Israa’iil iyo Falastiiniyiin ayaa isku dhacay bariga Quddus iyo daanta galbeed ee la haysto, ayadoo la isku hayo goob barakaysan oo ku taalla Quddus. Biyo sida gantaal oo kale ah iyo gaaska dadka ka ilmaysiiya ayaa la riday ka dib markii dad banaan baxayey ay dhagxaan iyo waxyaabo kale ka soo tuurteen dibadda gidaarrada magaalada qadiimka ah, sida uu boolisku sheegay. Qof Falastiini ah oo dhallinyaro ah ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay meel aan ka fogayn, mana cadda waxa dilka keenay. Dareen kacsan ayaa jiray tan iyo markii Jimcihii hore laba askari oo Israa’iiliyiin ah la dilay. Ururrada falastiiniyiinta ayaa ku baaqay maalin kharbudaad ah Jimcaha, ayagoo ka mudaaharaadaya Israa’iil oo soo dhigtay halka goobta barakaysan laga galo qalabka hubka lagu baadho. Falastiiniyiinta iyo hogaamiyeyaasha Islaamka ayaa si kulul uga hor yimid tallaabadaas, waxayna sheegeen inay xad gudub ku tahay qaabka loo wada nool yahay. Kumanaan boolis ah ayaa la geeyey agagaarka masjidka al Aqsa iyo Xaramal Shariif aroornimadii Jimcaha, waxaana laga mamnuucay ragga falastiiniyiinta ah ee da’doodu ka yar tahay 50 sano inay galaan qaybta qadiimka ah ee magaalada. Rabshado ayaa iyana laga soo sheegay bar koontarool oo ku taalla meel u dhaxaysa Ramallah iyo Quddus, iyo dhanka waqooyi ee laga soo galo Beytu-laxam. Laanqayrta cas waxay sheegtay in tiro ka badan 60 Falastiiniyiin ah ay waxyeello ka soo gaadh ay rabshadihii ka dhacay Quddus, kuwaasoo 31 ka mid ah isbitaallada loo qaaday.
Related posts:Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Furay Tartan lagu Xulayo Ardayda Tartanka Qur’aanka Ee Ra... Wasaarada Isgaadhsiinta & Technolajiyada Jsl Oo Dhaqan Galisay Xeernidaamiyaha Maamulka Hirarka Isga... Gaadiid Qasaare Soo Gaadhsiiyey Wadada La Macmalay Ee U Dhaxaysa Kalabaydh Iyo Wajaale oo khilaaf ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|