|
|||||
WAJAALE NEWS
Shacabka Somaliland oo Si Adag Uga Falceliyey Quudhsi Uu Mulkiilaha Dahabshiil Group Kula Kacay Qaranka Iyo Shacabkiisa.
July 18, 2017 - Written by Editor:Maxamed Siciid Ducaale oo ah mulkiilaha shirkadda waddaniga ah ee Dahabshiil oo sidoo kale ah shirkad caalami ah ayaa khudbad uu ka jeediyey Berbera Isiintii ku sheegay in uu yahay Soomaaliweyn. Waxa xusid mudan in goobta uu weedhaas kaga tiraabay uu fadhiyey Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici.” Maxamed Siciid wuxu intaa ku daray: “Dee mar haddaan ahay nin ganacsade ah, ganacsaduhu meel walba wuu joogaa oo annaga intan yar ee koobani naguma filna. Waan ka hunguri weyn nahay. Markii ay Soomaalidu nagu filnaan wayday ayaanu Afrikaankii kale u gudubnay.” Wargeyska caanka ah ee Geeska Afrika ayaa boggiisa hore maanta ku daabacay warbixin la xidhiidha dhacdadan. Wargeysku wuxu sheegay in Guddoomiyaha Dahabshiil markii uu hadalkan lahaa uu tixraacayey khudbado badan oo madasha laga jeediyey taas oo ay ku jirtay khubdbad uu jeediyey Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici.” Muuqaalka khudbadda Maxamed Siciid oo shalay ilaa xalay lagu wadaagayey warbaahinta bulshada ayaa buuq iyo dood badan abuuray iyadoo mulkiilaha Dahabshiil dhalliil loogu soo jeedinayo ereyadaa ka dhanka ah Somaliland ee uu ka sheegay goob ay fadhiyeen madaxda ugu sarraysa Somaliland kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd sidii ay u badhi-taari lahaayeen hawlaha ganacsiga ee Dahabshiil. Dadka aragtidooda cabbiray waxa ka mid ah Madaxa Xarunta Xuquuqda Aadamaha ee fadhigeedu yahay Hargeysa Guuleed Axmed Jaamac “Dafac” oo lagu yaqaan difaacidda madaxbanaanida Somaliland. Qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Facebook-ga wuxu ku sheegay in qof kastaa xor u yahay aragtidiisa laakiin ay nasiib xumo tahay in uu Dahabshiil moodo in ay xoolo ugu soo kordhayaan shacabkiisa oo uu quudhsado. Cumar-Sayid Qalombi oo ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ee Somaliland ayaa isaguna barta uu Facebook-ga ku leeyahay ku cabbiray sida uu uga cadhaysan yahay hadalka Guddoomiyaha Dahabshiil. Shirkadda Dahabshiil waxay ka mid tahay shariikadaha ugu waaweyn dalka waxayna ammaan iyo sharaf ku leedahay maalgelinta ay dalka ku samayso iyo sida ay u fududayso lacagaha xawaaladaha la isugu gudbiyo oo dhaqaalaha wax badan ka tara. Waa muhiim in Maxamed Siciid iyo Dahabshiil lagu qiimeeyo waxtarka ay dalka u leeyihiin laakiin taasi kama sarraysiin karto sharciga xaqna uma siin karto in uu ku xadgudbo himilada iyo qaranimada Somaliland. Weedha Maxamed Siciid Ducaale waxay niyadjab iyo gef ku tahay afarta milyan ee reer Somaliland ee hadafkooda ugu weyni yahay Somaliland oo hesha aqoonsi buuxa. Guddoomiye Maxamed Siciid in uu qaddiyadda Somaliland barbar joogsado mooyee lagama filayo in uu ku hadlo weedho lid ku ah. Ma jirto sabab loogu cudur daari karo oo ku kaliftay Guddoomiyaha Dahabshiil in uu ereyadaas ku dhawaaqo iyadoo aanay jirin cid ku khasabtay in uu kala doorto labada mabda’ ee Somaliland iyo Soomaaliweyn. Xataa haddii uu doonayey in uu muujiyo in ay Dahabshiil ka shaqaysato Somaliland, Soomaaliya iyo meelo ka baxsan wuxu hadalka u dhigi kari lahaa si ka qurux badan kana xasaasiyad yar sida uu hadda u dhigay. Guddoomiye Maxamed Siciid Ducaale waxa la gudboon in uu raaligelin siiyo dadkiisa isla markaana uu fasiraad ka bixiyo ujeeddada uu ka lahaa hadalkiisa. Xukuumadda Somaliland ayaa meel adag ka taagan cid kasta oo loo arko in ay ku xad-gudubtay qaddiyadda Somaliland iyadoo marar dhawr ah xabsiga loo taxaabay suxufiyiin iyo fannaaniin loo aaneeyey in ay muujiyeen aragtiyo liddi ku ah Somaliland. Waxa ugu dambeeyey Cumar Seerbiya oo xabsiga laga sii daayey markii uu saddex maalmood xidhnaa iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xidhnaa afar bilood iyo dheeraad. Halkan Ka Daawo Muuqaalka Oo Dhammaystiran. https://youtu.be/3J8udMnmJHk COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|