Daawo:Badhasaabkii ugu Horeeyey Ee Loo Soo Magacaabo gobolka Gabiley oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Gabiley iyo Xasuusta Doorkii Uu Ku Lahaa Shacabka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo:Badhasaabkii ugu Horeeyey Ee Loo Soo Magacaabo gobolka Gabiley oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Gabiley iyo Xasuusta Doorkii Uu Ku Lahaa Shacabka.
July 5, 2017 - Written by Editor:

Gabiley (W.N):- Waxaa Maanta Si Heer Qaran Ah Loogu Soo Dhaweeyey Badhsaabkii ugu horeeyey Ee Loo Soomagacaabo Gobolka Gabiley Mudane Maxamed Axmed Aw Cabdi Xabiib Oo lagu Xasuusto Door Muhiima Oo kasoo Qayb qaatay hirgalinta Mashaariico horumarineed oo uu Iba furkooda Lahaa.

Waxaana Munaasibada Soo dhawayntan Oo Ay ka Qayb Ahaayeen Bulshada gobolka Gabiley Iyo Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo  lagu Qabtay gudaha Magaalada gabiley.

Waxaana halkaasi Khudabado kala Duwan oo Ay ka marag Kaceen Doorkii uu ku Lahaa Gobolka Iyo Wakhtigii uu joogay,

Masuulkan Oo muddo ka Maqnaa Saaxada Siyaasada inta Badana Ka Shaqaynayey Arimaha Bulshada ee Gobolka iyo ta Qaranka Somaliland oo Sanadihii danbe Ku Maqnaa Qurbaha Ayaa hadda Kusoo guryo noqday Dalka Somaliland Isagoo Sheegay inuu La Jaanqaadi Doono Horumarka ka Socoda Dalka si buuxdana Uu u Garab istaagayo Xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye.

 

hggffee hhggffrr hhtttrree jjhhhh jjkkiioo kkoooo tttjj uuuyyyttr uuyyrrrjjhhhh

Waxaa ugu Horayn Ka Hadlay Madasha Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Ee Xisbiga Kulmiye Mudane Shirwac iyo Maayirka Magaalada Gabiley, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Iyo Safiirka dalka iswidhan u Fadhiya Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Dalalka iskaandaneefiyeenka, Wasiirka Wasaarada Warshadaha  Somaliland Cuqaal iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Gobolka, Waxaana Dhammaan masuuliyiintani U riyaaqeen Soo laabashada Aabihii horumarka gobolka Gabiley indhaha U furay Oo Kusoo Biiray Xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye.

Khudaha dhammaan Masuuliyiintan Kala Soco Waxyar kadib Halkan.

COMMENTS
LINKS