Qaadku Waa Quud Jin Oo La Quuto! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaadku Waa Quud Jin Oo La Quuto!
July 17, 2017 - Written by Reporter:

Wuxuu ahaa markii hore nin dheer oo mugii u buuxa, midabkiisu wuxuu ahaa casaan ilkihiisuna cadaan, hada waa qof qalan-qalalan oo gebigiisaba qalfoof lamoodo

beenkii oo dhan wuu maqanyahay, abaaro 3:30 habeenimo goor sheegtu markay maraysuu gurigiisa sidii tuug u soo dhacaa, caruurtii iyo gabadhii oo hurda, ma seexdee cabaarbuu gaydhka guriga wareegaa isagoo mirqaansan oo keligii isla sheekaysanaya, mararka qaar qararacda albaabada iyo wuxuu ka sanqadhinayo ayey caruurtu ku sastaa.

Siduu u wareegaalaysanayo ayuu waaga berigiisa isku tuuraa furaash qol halkana yaala, maalin oo dhanbuu fuursanyahay, cunto uma kaco,soon iyo salaad ma yaqaan inuu tukadoo salaaad u kacona haba sheegin, aduunyadu meel alaale meelay marayso lama socdo, gurigiisa iyo  gabadhiisa waxba kama oga caruurta qaar xanuusanayaana wacadalay ka tahay war uma hayo, ubadkiisa ma daryeelo mana daneeyo waa ubad aabo le lkn agoonku ka aayo roonyahay, isaga naftiisu daryeel ma qabto.

Wuxuu ahaa markii hore nin dheer oo mugii u buuxa, midabkiisu wuxuu ahaa casaan ilkihiisuna cadaan, hada waa qof qalan-qalalan oo gebigiisaba qalfoof lamoodo, midabkiisu waa madaw daxalaystay oo digsi dabadii la moodo, ilkihii cadaa hada waa casaadeen siduu sigaar uun u qiijinaayey cagaha safanta kaga taal iyo cidhbaha jeexjeexa wad nixi.

Wuxuu sidii u fuursanadoba wuxuu baraarugaa amintu markay tahay 2:30ka duhurnimo sidi qof miyir doorsanaa buu intuu soo hamba-baro laba kabood oo halkan yaal oo gebigooduba rif rifan hal-haleel u gashaduu shaadh ustag wey oo katabaan halkan sudhan intuu ku jufuu kadinka boobaa.

Dhinacna isagoon eegin buu dhabada cagta saaraa gebigiisaba wa laga baqayaa indhuhuna intay casaadeen bay kabo dhiiga u eekaadeen, qofka ka hor yimaadaa wuxuu umaleeyaa qof waalan wadaduu uga leexdaa.

Intuu soconaayo wuu isla sii sheekaysanayaa wadaduu maraayo dadka iyo baabuurta maraysa xita ma arkayo isagu meela kaluu marayaa intaa sheekaa usocota oo isagaa isku buuqsan.

Tolow xagaad majintii ka doontaa maanta? Dee tii heblaayo u tag, oo taasu sawtii lacagta badan kugu lahayd, yeelkeede isaga tag, aar haw tegine islantii ina cambe isaga tag, tee oo taa ma adaa wejiba  u dhigtay sawdii lacagteedii siin waaye weliba cay u raaciyey, aduu saw meel kasta iskama soo xidhaysid, bal tii heblayo isaga tag yaduun baa la qaatoo xooga kugu leh.

Wuxuu sidaa ahaadoba wuxuu gaadhay goobtii meheradu ku taalay meel buu huluushay huur iyo holac kasoo baxayaan oo boqolaal kale fadhiyaan kulaylka iyo kaaha kaa hor imanaya wadnuu inuu ku istaago ayaad ku siganaysaa.

Meherada yar gebigeeduba waa sandaqad qoraxdu qabatay kulaylka waad yaabi, gudahana qiiqa sigaarka is gaadhay iyo boqolaalka naqas ee ka soo baxaaya dadyawga kala duwan, xagan in yar ka horaysa waxaa ka baxaaya dhawr dab oo dheryo shaaha saaranyihiin gebegeduba meeshu waa isla karaysaa.

Wuxuunbey ku tuurteen xabad heesoo qaraamiya (dhirta xididka hoosaa dhulka loogu aasoo weydhici lahaydee dhismaheeda weeyaan dhilililm dhililim dhararam) kama qasna sida loola qaadayee loogu luuqaynayo guuxa iyo gunuuskaa is gaadhay.

Ninkaa noloshiisa dhan intaasay ku dhantahay wuu iska noolyahay uun, ma arko in awlaad iyo afo ka dambayso, shilinkuu helo majintuu ku raadsadaa,markuu doono ayuu mirqaanku tusaa guriga iyo gabadha caruurtuu laayaa xaliimo markay soo boodee tiraa waar carurta daa iyaduu kula kacaa oo ku xayraama.

Xaliimo xaafadeeda agteeda ayey ku iibisaa xoogaa adeega kirada guriga iyo masruufka maalinlaha ah ee caruurta haday ka hesho iyadaa ku buro sida, waa iska ma  qadaa ma dhergaan, maalintay helaan bariiskoda jayga ah bey ku tuurtaan maalintay waayaana wey iska qadaan, malina xabad maraqdigaaaga iyo mid yaanyo ah haday isla helaan baastadooda yar ee isku dhex kariska ah uunbay walaaqdaan, noloshasasay ku jiraan caruurtu waxbarasho ma haysato daryeel caafimaad ma haystaan.

Xaliimo maalin uun ay ka qiirootay nolosha qoyskeeda ayuun bey ku dhawaaqday ” Qaadku waa quud jin oo la quuto”

 

ayanapple434@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS