|
|||||
WAJAALE NEWS
Musharaxa Xisbiga Wadani Oo Dhambaal Hambalyo Meher U Diray Boqorka Good C/laahi Good Iyo Boqorada Hoodo Maxamed Xasan C/laahi(Jidhif).
July 26, 2017 - Written by Editor:Waxay ahayd xaflad dhaqan oo si wayn loo soo agaasimay oo kulmisay wajiyo waayeel,Mujaahid,Suldaan,muxaafad iyo mucaarad mudo baaday,waxay ahayd xaflad lagu furay kaftan iyo erayo ay ku dheehan tahay Gacaltooyo iyo lab xaadhan, Musharaxa xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro,musharax ku xigeenkiisa Ambasador Maxamad Aw Cabdi,hogaanada Xisbiga Iyo dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Wadani Oo Ku Kala Sugan Dalka gudihiisa iyo daafaha dunida waxa ay dhambaal hambalyo meher u dirayaan Boqorka Good C/laahi Good Iyo Hoodo Maxamed Xasan C/laahi(Jidhif) oo maanta meherkoogu kadhacay caasimada Somaliland ee Hargaysa gaar ahaan Hotel Green Plaza,waxaanay masuuliyiintani leeyihiin Waxaan leenahay Allah haydinka dhigo kuwii isku waaree weligood ee aan kala xiiso gony haydinka dhigo. Allah haydin kala siiyo Ubad khayr qaba oo dalkooda,Diintooda,Dadkooda Anfaca. Wiil iyo Caano Gabadh iyo barwaaqo haydin kusimo Nolol wanaagsan Arsaaq Xalaal ah iyo Aduun waasaca insha Allah. Waxaan leenahay Guurgiinu Guur khayr. Gurigiinu guri negi Guulow kayeel.
Related posts:Daawo:Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Dareen Celiyay Amarkii Maanta Gudida Ururada Siyaasadu Ka ... Xukuumada Somaliland Oo si Adag uga Jawaabtay hadalo Deef Qaafa Oo kasoo Yeedhay Madaxwaynaha Maamu... Dawlada Ethiopia Oo Bilado iyo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Maayirada Magaalooyinka Hargeisa iyo Ber... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|