Murashaxa Xisbiga WADDANI Iyo Masuuliyiin Kale Oo Siweyn Hargaysa Ugu Soo Dhaweeyay Siyaasiga Caanka Ah Ee Maxamed Biixi Yoonis +SAWIRRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Murashaxa Xisbiga WADDANI Iyo Masuuliyiin Kale Oo Siweyn Hargaysa Ugu Soo Dhaweeyay Siyaasiga Caanka Ah Ee Maxamed Biixi Yoonis +SAWIRRO
July 19, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan Masuuliyiin kala duwan oo Xisbiga WADDANI ka tirsan ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa siweyn ugu soo dhaweeyay Siyaasiga Miisaanka culus ku dhex leh bulshada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo uu weheliyo Aqoonyahan Cabdixakiin Xaji Siciid.

20187579_10155524727278535_966171475_n 20205994_10155524726928535_2068736857_n

Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbiga Maxamed Cabdilllaahi Uurcadde, xubno kamid ah Xoghayaasha, la-taliyayaal iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa soo dhawaynta.

20196988_10155524729028535_1906768488_n 20182675_10155524726118535_679872472_n (1)

Maxamed Biixi Yoonis Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland hadana kamid ah madaxda ugu saraysa Xisbiga WADDANI oo mudooyinkii u danbeeyay dalka dibadiisa ku maqnaa, wuxuu soo noqodkiisu ku lug leeyahay ka qayb galka xaflad ballaadhan oo maalinta bari Xisbiga WADDANI u qaban doono siyaasiyiin tiro badan oo ka soo jeeda Waqooyiga Hargaysa, kuwaas oo cududooda tageero la babar istaagi doona Xisbiga WADDANI.

Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda kula hadlay garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay inuu Xaflada bari ka qayb gali doono, isla markaana wuxuu ugu baaqay shacbiga Somaliland inay doortaan isbadalka wanaagsan ee Xisbiga WADDANI.

20206399_10155524729728535_676356697_n

Aqoonyan Cabdixakiin Xaji Siciid oo muddo dheer ka soo shaqeeyay Qaramada Midoobay socdaalkana ku wehelinayay Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inuu Xisbiga WADDANI ugu biiray sidii Somaliland loo badbaadin laha.

COMMENTS
LINKS