MURASHAXA MADAXWAYNE EE XISBIGA WADANI CABDIRAXMAN CIRRO OO GURIGIISA KU BOOQDAY SULDAANKA GUUD EE BEESHA HABAR AWAL SULDAAN XASAN SULDAAAN CABDILAAHI. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MURASHAXA MADAXWAYNE EE XISBIGA WADANI CABDIRAXMAN CIRRO OO GURIGIISA KU BOOQDAY SULDAANKA GUUD EE BEESHA HABAR AWAL SULDAAN XASAN SULDAAAN CABDILAAHI.
July 2, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa (Wajaalenews) Murashaxa Madaxwayne Ee xisbiga mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxa,ed Cabdilaahi cirro iyo xoghayaha guud ee xisbiga uurcade iyo xubno kale  ayaa maanta gurigiisa kusoo booqday suldaan guud beelaha subeer awal suldaan xasan suldaan cabdilaahi suldaan cabdiraxmaan oo dhawaan safar caafimaad  ugu maqnaa dalka itoobiya kasoo laabtay.

suldaan xasan

Buuqashadan uu marashaxa madaxwaynaha xisbiga wadani iyo xubnahan Weheliyay ugu tageen suldaanka guud ee beelaha subeer awal ayaa ahaa sida ay tibaaxeen warar xogogaal  ah oo aan ka helay arintaan ayaa waxa ay ahayd mid uu kusoo siyaaranayay xaalada suldaanka oo xiligan cafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay.

ciro

Gudoomiyaha xisbiga ahna murashaxa madaxwaynaha mustaqbalka dhow ee somaliland iyo xubnihii la socday ayaa suldaanka guud ugu duceeyay in ilaahay caafimaadka u siyaadiyo isaga  oo cabdiraxmaan cirro uu xusay in saldanada guud ee beesha subeer awal ka mid tahay hogaamada dhaqanka ee somaliland tiirarka culus u ah marwalba ay mudan tahay in la soo siyaarto cid kasta oo qaranka somaliland muhiim u ah.

ciro1

Dhanka kale Suldaanka Guud ee Beelaha Suber Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa dareen farxadle ku qaabilay murashaxa madaxwaynaha mustaqbalka somaliland oo uu ku tilmaamay masuul guud ahaan shacabka somaliland si dhow ula socda hadba waxa ay ku sugan yihiin.

 

Si kastaba ha ahaatee buuqashada murashaxa madaxwayne ee xisbiga wadani uu ugu tagay suldaanka guud ee beesha subeer awal ayaa ahayd mid taariikhiya isla markaana fariin culus ku noqonaysa murashaxa xisbiga kulmiye muuse biixi oo isagu marwalba ku hawlan burburinta saldanada faaca wayn ee subeer awal kaasi oo uu dhawr jeer  isku dayay in uu inqilaabo isagoo ay taageerayaasha iyo xubno ka mida jufadiisa hoose ay soo cumaamadeen xubin qoyskan saldanada ka soo jeeda oo ay ku sheegeen in uu noqonayo suldaanka subeer awal isla markana uu u ololaynayo dono murashaxnimadiisa maslaxad u ah.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS