|
|||||
WAJAALE NEWS
Milateriga Dalka Shiinaha Oo Jabuuti Ku Sii Jeeda
July 12, 2017 - Written by Reporter:Hargaysa(W,N):-Maraakiib wada ciidammo Shiinays ah ayaa u dhaqaaqay dhanka dalka Jabuuti oo uu ku yaallo saldhigii milatari ee u horeeyay ee ay ku yeehsaan meel dalkooda ka baxsan, sida ay ku warrantay warbaahinta dawldda. Shiinaha ayaa sheegay in saldhigaas uu gacan ka gaysan doono nabad ilaalinta iyo gargaarka banii’aadannimo ee Afrika iyo Galbeedka Aasiya. Waxaa la sheegay in saldhiga Jabuuti uu ka dhashay “wadahadallo saaxiibtinimo” oo dhexmaray labada dal. Warar horana waxay sheegeen in dhismaha saldhigu uu billawday sannadkii hore. Waxaa aad loogu arkaa in Shiinuhu uu doonayo in uu milatari ahaan uga muuqdo gobolka. Dalal badan ayaa danaynaya Jabuuti iyaga oo ugu xilanaya in ay ku taallo marin aad mashquul u ah oo ay maraakiibtu adeegsadaan iyo in uu dalkaasi yahay mid dagan oo ku yaalla gobol aan xasiloonayn Related posts:Daawo: Doodii Jimcaha ee BBC-da oo Lagu Faaqiday Isbedelka DDSI iyo Colaadaha Dhexmara Qoomiyadaha I... Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Gudiyo Umagacaabay Shaqaaqadii Ka Dhacday Ceel Afway Iyo Arimaha Ciid... DAAWO: Xukuumadda Somaliland Oo Oodda Kasoo Qaaday Qaxoonti Kasoo Cararay Dgaaladda Dalka YAMAN Oo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|