|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Gobolka Togdheer Oo Go’aan Kasoo Saartay Masuuliyiin Xisbiga WADDANI Ka Tirsan Oo Burco Ku Xidhnaa
July 12, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in goordhawayd maxkamadda gobolka Togdheer ay go;aan kasoo saartay masuuliyiin xisbiga WADDANI ka tirsanaa oo ciidamada Booliska gobolka Togdheer xabsiga u taxaabeen. Masuuliyiintan oo ay ciidamadu meelo kala duwan kasoo qabteen ayaa waxa amarka xadhiga bixiyey sida la sheegay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax”,iyaga oo muddo 3 cisho ah ku xidhnaa magaalada Burco. Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa amartay in xorriyadooda loo soo celiyo masuuliyiintaasi xidh-xidhan ee xisbiga WADDANI ka tirsan,waxaana ay shaaca ka qaaday inaan maxkamadda la keenin cadaymo ku filan oo la taxaluqa eedaymaha loo soo jeediyey. Arrinkan sii daynta masuuliyiintan ayaa waxa guntiga u xidhay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah saraakiisha xisbiga WADDANI,waxaana masuuliyiintan laga soo kala qabtay magaalada Burco iyo degmada Xaaji Saalax.
Related posts:Madaxwayne Siilaanyo oo dhawaan Shaaca Ka Qaadi Doono Inuu Mar Labaad Isku Soo Taagi Doono Musharaxn... DAAWO;Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Ansixiyey Miisaaniyada Qaranka Ee 2016-ka Iyo Go,aamada... Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Weerar Xalay Dhalinyaro Abaabulani Ku Soo Qaadeen Guriga Murrashax Cirr... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|