Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Saylici Oo Amrey In Tacadigii Ugu Adkaa Iyo Jidh Dil Loo Geysto Xildhibaan Katirsan Golaha Deegaanka Degmada Saylac Waa Maxey Sababtu? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Saylici Oo Amrey In Tacadigii Ugu Adkaa Iyo Jidh Dil Loo Geysto Xildhibaan Katirsan Golaha Deegaanka Degmada Saylac Waa Maxey Sababtu?
July 4, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(WJN)-Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),ayaa amar ku bixiyey in  garaacis iyo jidh dil loo geysto mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Saylac,oo lagu soo xidhey Xarunta Guud ee Baadhista Dambiyada Culus ee Hargeysa (CID),kadib markii laga soo taxaabay Degmada Saylac Xildhibankaas oo uu sigaar ah ugu balamiyey qaar katirsan Ciidamada Boolisa ee Birmadka.

Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa dib looga celiyay 2/7/2017ka kadib markii garsoorayaasha Maxakamadu diideen in ay rumaan gareeyaan Xildhibaankaasi iyagoo sheegay in ay hayd in gobolka awdal looga soo qaado xalaalaynta xadhigiisa islamarkaana, Xeer ilaalinta Ciidamada Baadhista Damiyada Culus ee CID ka dalbadeen in  looga baadi doono Maxkamada Gobol Degmo ee Boorame iyo Saylac haseyeeshee, aanay habayaraatee sharci aheyn nidaamka wakhtigan lagu horkeenay Maxakamada Gobolka Hargeysa Xildhibaankaasi Axmed Muxumed Barkhadle Ayaa  kadib markii loo waayey qodobo loo raaco shuruucda Xadhigiisa iyo tacadigii loo geytey ee hore.

 Balse xildhibaanka ayaa wali ku xidhan xarunta danbi aadhista iyadoo aanay jirin sharci fasaxaya in bilaa sobo layskaga xidho xildhibaan xasaanad leh,

“Waxaan halkan baaq uga dirayaa guud ahaanba Shacbiweynaha Somaliland Golayaasha Deegaanka Dalka iyo Xisbiyada Qarana Kulmiye gaar ahaan waxaan halkan uga sheegayaa in Toban Xildhibaan oo aan kamid ahey hada ay Ciidanka Boolisku kasoo kexeeyeen Xarunta D/hoose ee Degmada Saylac oo aay taxaabayaan waana Maskaxdii Madaxweyne Kuxieenka Talaabadaasi,waxaanan halkan ka cadeynayaa in ay taasi tahey Maskaxda iyo caqliga Madaxweyne Kuxigeenka dhan ee dalka,waaan ugu baaqayaa shaciga Somaliland ee sharafta leh gaar ahaan Shacbigii nasoo doortey ee Degmada Saylac in ay ka hortagaan foolxumadaa fashiishtiga ah ee nalugala kacayo”Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Cabdikariin Aw Aadan Kibaar(dhamal),oo katirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Saylac.

Ilaa iyo hada lama garanayo sababta uu Madaxweyne uxigeenku ugu dhaganaa badelaada Maayarka Degmada Saylac Xuseen Iidle oo ku fashilmey arimaha hogaaminta Golaha Degmadaasi iyo dhinayada hurumarka Arimaha Bulshada labadaba inkastoo, ay dad badan oo kamid ah Bulshada Gobolka Awdal iyo Salel dhabana hays ku noqotey ficilada Madaxweyne Kuxigeenku ugu awood sheegtey Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Saylac ee uu kala qeybiyay nidaam qabyaaladeed iyo eex nin jeclaysi maadaama ay isku beel yihiin Maayarka Degmadaasi Xuseen Iidle waxaa xiligan soo baxey arimo badan kashifey khiyaanooyin ay ku shuruud dhigteen Cabdiraxmaan-Saylici Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland iyo Maayarka Degmada Saylac khiyaanadaas oo la xidhiidha Kaadhadhka Codixinta in laga iibsado qeybo badan oo kamid ah Shacbiga Degmada Saylac iyo Xubnaha Komishanka iyo waliba dadka kale ee Deegaanada Degmadaasi hoos yimaada ee Xoolo dhaqatada ah arintaas oo hada la hayo dabadooda.

Lasoco Arnta Degmada Saylac oo Sheeo Dheeri ku lamaan tahey

 WAJAALENEWS  DESK

HARGAYSA SOMALILAND

COMMENTS
LINKS