Madaxwayne Talo Adaa Ku Nool Ee Iyadu Kuguma Noola – Adiin Nasiixah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Talo Adaa Ku Nool Ee Iyadu Kuguma Noola – Adiin Nasiixah.
July 26, 2017 - Written by Reporter:

Bal hadday nu shaashaddaha ama waxyaabaha ay bulshada reer SOMALILAND ku foogantay ka yara jeesano wax yaabaha kale ee inaga hoos dusaya is dultaagno xiise iyo cilmi korodhsiba wuu ku jiraa. Badi waxayny ku mashquulsanahay laba xusbi oo la kala yidhaa Wadani iyo Kulmiye iyo musharixiintooda oo aa u kala duwan.

Laakiin haddaan maanta wax kale oo muhiim wadanka u ah ka hadalo waa wax loo baahanyey . Waxaa wadan ka ka jira media badan badan hadana markaad cilmiyan wada akhrido ay kuu soo baxayso sidii aad wargeys qudha akhriday oowax faraqi uma dhexeeyaan, Ali khalif oo garaado hafiyeen, prof Samater oo arday mooyee shacabkii khudbaddiisii waxba ka fahmiwaayeen, caddaaladii iyo musmaasiqii iyo sicirbararkii oo cirka u baxay intaa iyo in la mida baa bulshada reer SOMALILAND ku seexataa ku soo toostaa. Anigu waxaan qabaa inay intaasi baahida dalka horyaal inaanay ka turjumayn oo ay jiho wareerka uun sii kordhinayso eedoo dhanna waxaa boqolkiiba todobaatan oday Siilaanyo iyo qoyskiisa. Bulsho waxay leeday(ma ogtahay waxaan eersadaa odayga weeyaane)
Arimaha SOMALILAND horyaalaa waa arimo aad u culculus oo muhiima oo u baahan doodo camiiqa oo dawlado riixayaan. Waxaa ka mida kuwan :
1- ictiraaf sidii loo dooni lahaa_ oo.in special comission ka madax bannaan xukuumadda oo ( budget)kiisii wata. 3 – 4 million dollar ha la diyaargareeyo ictiraafka madaxweynaha somalia laga iibsado.
2- ha la keeno daraasad lagaga hortagayo abaaraha soo hangaleysanaya waayo (industry) qudha ee aynu maanta leenahay waa xoolaha nool kuwaasina waxay u baahanyihiin biyo,cawso iyo biiadda ay ku nool yihiin oo loo ilaaliyo.
3- waa in reeraha baaqa laga mamnuucaa iyo doobtan joogtada inagu noqotay.
4 – sidan ku wadi mayno wadane waa in madaxweynayaasha soo socda shaqo xadidan loo sameeyaa oo adaa wadanka xukumadan laga dhimmaa wax.
5- waa ingobol walba si cad looga saxeexaa inuu ogolyey goosashada SOMALILAND ee isu dhuumashadu meesha ka baxdaa iyo dabaal-joogtayn tan badan laga baxaa.
6- waa in la wada eryaa wasiirul dawloo dhan si sicir bararka hoos loogu dhigo.
7- dadka aan aqoon cilmiyeed wadan waa in aan wasiiro iyo agaasimayaal noqon waayo markay shaqada qaban kari waayaan suldaankay u tegayaan oo baaq dir odhanayaan iyo shuqulada imika i na ragaadiyey.
La taliyayaasha madax weyne ee reer walba mid kaga jiro ee mushahaaro beenbeenta ah iyana waa sicirbararka qayb ka mida.
Waa inoo mar kale bulshoy.
M Bashe

 

COMMENTS
LINKS