Madaxwayne Siilaanyo Oo Maalinta Beri Dalka Dib Ugu Soo Laabanaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo Maalinta Beri Dalka Dib Ugu Soo Laabanaya
July 13, 2017 - Written by Reporter:

download

 

Hargeysa(W,N)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafti uu hogaaminayo oo muddo safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in maalinta berri ah oo Jimce ah dalka dib ugu soo laabto.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa safar gaar ah ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta muddo dhan 28 cisho,waxaana madaxwayne Siilaanyo maalintii uu ka dhoofayey madaarka Hargeysa la sheegtay in madaxwaynuhu safar maalmo tobaneeyo cisho ah qaadanaya oo gaar ah uu ku tagayo dalka Imaaraadka Carabta,balse safarka madaxwayne Siilaanyo ayaa qaatay muddo 28 cisho ah.

Waxaaa soo if baxay warar sheegay in madaxwayne Siilaanyo ku xanuunsanayo dalka Imaaraadka Carabta,taas ayaa waxa ka jawaabtay madaxtooyada Somaliland,iyaga oo sheegay in madaxwaynuhu caafimaad qabo,sidoo kalena laga soo duubay madaxwayne Siilaanyo muuqaal uu ku sheegayo inuu caafimaad qabo.
Gabagabadiina madaxwayne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maalinta berri ah dalka dib ugu soo laabto.

COMMENTS
LINKS