|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaafiic Lagu Weeraray Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho
July 4, 2017 - Written by Reporter:Muqdisho(W,N) –Inta la og yahay hal ruux ayaa ku geeriyoday dadka kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii madaafiic loo adeegsaday qoriga Hoobiyaha lagu weeraray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah Hoobiyayaashan ayaa la sheegay in ayna qarxin, hasse ahaatee degmada Warta –Nabada Ex-Wardhiigley ee magaalada muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaceen madaafiicda qaarkood. Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya, waxaana madafiicdan imanaya xili magaalada muqdisho laga wado howlgalka xasilinta Inta badan ururka Al-Shabab ayaa sheegta mas’uuliyadda weerrarada hoobiyayaasha noocan ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho.
Related posts:Cali Guray Oo Shaaciyay In Uu soo Bandhigi Doono Halka Ay Iskala Qaadeen Wasiirka Diinta Iyo Dhaqank... Doorashooyinka Baarlamaanka Iyo Deegaanka Ee Kal-dambe Qorshaysan Oo u Muuqda Inaanay Qabsoomi Karin... Dalka Jordan Waxa Ka Socda Mudoharado Lagaga Soo Horjeedo Xadiga Cashuurta Dalkaasi Oo La Kordhiyay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|