Maansada Cadho Waalid Iyo Abwaan Xasan Duxul Laab-Saalax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maansada Cadho Waalid Iyo Abwaan Xasan Duxul Laab-Saalax
July 4, 2017 - Written by Reporter:

Wali dunida maad caban

Kugumay cadaan tallo

Maad arag cidhiidhiga

Cidlo wehel kamaad dhigan

Wakhti caasha kuma sudhin

Dhibta maad cawaysimin

Qofay hayntu  ciishoo

Wel-wel ciiray maad noqon

Cisha qudhana maalmuhu

Dacar kuma cabsiinoo

Cibro kuuma tabababarin

Cashar kuuma dhigin adag

Dadka caamo iyo mudan

Qof la cawlan maad noqon

Cisigaagii muu lumin

Calafkaagu muu gudhin

Cawadaadu may dumin

Cidhibtaadu may go’in

——————————-

Cududdaad ku faantiyo

Xoog iyo cadaankani

Cidlo kaagamay iman

Waxaad tahay curuuqaha

Cadka aabe laga jaray

—————————–

Imisuu ku ciil tiray

Intuu dhiilka soo culay

Caano dhay ah kugu habay-

Caddaadiyo Qansaxa daran

Cagta qodaxda kaa jaray

Imisuu sir iyo caad

Cadka kaad u qalantiyo

Canbaar iyo mid quudheed

Si cadaana kuu baray

Koluu ceel biyood shubo

Koluu celiyo xoolaha

Koluu dhiso cariishyada

Koluu maydho calallada-

Koluu dharabka caynsado

Koluu daas yar calafsado

Koluu caday u soo guro

Koluu gaadhi gacan culus

Curuuquhu ku daalaan

Cimaarado rag leeyahay

Koluu ciid u  kala rogo

Cisho kuuli laga dhigo

Camal baadi doonkii

Carabaha  kol uu tago

Kol caruurta reer kale

Carbintooda loo diro

Kol albaabka sii celi

Soo celi  ku xoogsado

 

Muxuu kuu caraaboo

Ceeryaamo iyo dhaxan

Dhado caal madaw iyo

Cadeed iyo kul kuu maray

Cimidh kayna kuu galay

Caska waaga kuu kacay

Kuu guday cir-jiidhaha-

Curud taabaqaadiyo

Inad noqoto ciil tire

U xamilay cidhiidhiga

———————————

Ma adaa cadhoon kara

Ma adaa cadibi kara

Ma adaa cidlayn kara

Ma adaa cidlayn kara

Misna cunaha qaban kara

Eray  qudha ku celin kara

——————————-

Calooshaada oo madhan,

Waligii wax muu cunin,

Adoon caafmiaad qabin

Cawdiisa kuma ladin

Isagoon ku ciidsiin

Dhar cusayba muu gada

Cabsi iyo dagaal jira

Colaad kaagamuu tagin

Culys heer kastuu yahay

Niyad xumo kamuu celin

Itaal –ceel kastuu dhigo

Caynaano muu dayn

Caabin hawl uu kuu galay

Cagtaa daalan  muu odhan

Ceeb wixii aad leedahay

Calool maalin kuma qaban-

Xaajo kaa cawaran wali

Cid kumuu halayn kale

Isagoo aan cuudiyo

Camal iyo aduun hayn

Noloshuna cakiran tahay

Oo jeebku caydh yahay

Caana maal kumuu gabin-

 

Cimrigoo siyaadaa

Cawarraaye xoogoo

Waa ciroole taag daran

Culays weeyi ruux qaba

Gabaw caasha saaraa

Ciirciirka badayoo

Wuu lumay codkiisii

Wuu tagay cadkiisii

Wuu dhaga cusladoo

Caad fuule dhaayaha

Bukaan weeyi cuduriyo

Cuskadeen xanuunadu

Maaha cayka aad tahay

Hadii uu cag fududaa

Cararkana ku roonaa

Bari caafimaad qabay

Aabahaa cad-weeyaan

Maanta caawimaadiyo

Kaa mudan cisayntee

Damiir ceebta diidiyo

Caqli maanu kugu jirin

Cool dabacsanaantii

Yaa kaaga riday ceel

Cashar maanka koriyiyo

Cilmiga iyo shareecada

Ma waxaad ka tahay caydh

Umuu soo ciyaar gudin

Caradani shisheeyee

Duqan caguhu barareen

Tawsbuu la ciiree

Abahaa ma cudurkaad

Ku canaananaysaa!!!

 

Caamiye nin liitaa

Hadal daran ku celiyoo

Cadaw mooda kii dhalay

Agtiisana ka caagoo

Karha oo ka cararee

Yaan cisayntu kaa gudhin

Waalid caasi haw dhurun

Ikaar lagu casuumoo

Laga naco carshiga sare

Nin hortaa caasiyay

Waalidkiina ciil baday

Oon calaamo lagu ridin

Cara edeg laguma arag

 

Caku waalid liitoo

Hadeer ciirsimaad biday

Curashashada ul jabaysiyo

Waayeel culeys qaba

Marna lama canaadee

Cirkan kaa sareeyaa

Inuu caawa kugu dumo

Ama ciida hoosiyo

Dhulka caadil kula jaro

Cidhib laawe kaa dhigo

Maanad kaba cabsoonayn

 

Cududaha laxaadkiyo

Ka curyaanto dhaayaha

Amad ciida miistoo

Xisku ku ciladdoobood

Waali tuurto calalada

Maanad kaba cabaoonayn

 

Noloshuba cibaariyo

Dhacdo cusub ma waydoo

Nin u baxay cirkaa sare

Wakhtaa hoos u soo celin

 

Runta  Caadka kaa koray

Waa Cibaaro kula taal

Iyo nabar culays lehe

Miyaad caafimaad qabi

Calankaagu taagnaan

Waligaa cudoonaan!!!

.

Maamlaha cartamayaa

Ku caraabin doonoo

Cajil iyo da’ baad noqon

Seediyo car jawdiyo

Wuu tagi cadkaagani

Baribaad can buusnaan

Sida caday u dhuubane

Ha dhitaysan cuqubada

 

Adoon hadalka celin karin

Cawradaada dadan karin

Carabkaagu talax gabay

Caruurtiyo dhashaadaa

Kugu carigsan doonoo

Waad cabasha badatee

Nagadaa catawgiyo

Kugu odhan caabaadkee

 

Yaan cadhada eebiyo

Cawri waalid kugu dhicin

Ku cuskanin inkaaruhu

Caydhiyo saboolnimo

Yaan cidhif laguu sudhin

Dadka yaad qof caanoo

Farta lagu cilaanshoo

Canbaarasan kuu garan

Carabkaagu yuu baran

Hadal caabuq keenoo

Yaan colaad u joogiyo

Ballo caashaq lagu qorin

Cadaab haw amaah guran

Ha ku noqon xumaha caan

Hana galabsan caalwaa

Ceeyoon labada dago

Ku casilo Ilaahay,

 

 

laabjeex-300x140

 

COMMENTS
LINKS