|
|||||
WAJAALE NEWS
Maansada Cadho Waalid Iyo Abwaan Xasan Duxul Laab-Saalax
July 4, 2017 - Written by Reporter:Wali dunida maad caban Kugumay cadaan tallo Maad arag cidhiidhiga Cidlo wehel kamaad dhigan Wakhti caasha kuma sudhin Dhibta maad cawaysimin Qofay hayntu ciishoo Wel-wel ciiray maad noqon Cisha qudhana maalmuhu Dacar kuma cabsiinoo Cibro kuuma tabababarin Cashar kuuma dhigin adag Dadka caamo iyo mudan Qof la cawlan maad noqon Cisigaagii muu lumin Calafkaagu muu gudhin Cawadaadu may dumin Cidhibtaadu may go’in ——————————- Cududdaad ku faantiyo Xoog iyo cadaankani Cidlo kaagamay iman Waxaad tahay curuuqaha Cadka aabe laga jaray —————————– Imisuu ku ciil tiray Intuu dhiilka soo culay Caano dhay ah kugu habay- Caddaadiyo Qansaxa daran Cagta qodaxda kaa jaray Imisuu sir iyo caad Cadka kaad u qalantiyo Canbaar iyo mid quudheed Si cadaana kuu baray Koluu ceel biyood shubo Koluu celiyo xoolaha Koluu dhiso cariishyada Koluu maydho calallada- Koluu dharabka caynsado Koluu daas yar calafsado Koluu caday u soo guro Koluu gaadhi gacan culus Curuuquhu ku daalaan Cimaarado rag leeyahay Koluu ciid u kala rogo Cisho kuuli laga dhigo Camal baadi doonkii Carabaha kol uu tago Kol caruurta reer kale Carbintooda loo diro Kol albaabka sii celi Soo celi ku xoogsado
Muxuu kuu caraaboo Ceeryaamo iyo dhaxan Dhado caal madaw iyo Cadeed iyo kul kuu maray Cimidh kayna kuu galay Caska waaga kuu kacay Kuu guday cir-jiidhaha- Curud taabaqaadiyo Inad noqoto ciil tire U xamilay cidhiidhiga ——————————— Ma adaa cadhoon kara Ma adaa cadibi kara Ma adaa cidlayn kara Ma adaa cidlayn kara Misna cunaha qaban kara Eray qudha ku celin kara ——————————- Calooshaada oo madhan, Waligii wax muu cunin, Adoon caafmiaad qabin Cawdiisa kuma ladin Isagoon ku ciidsiin Dhar cusayba muu gada Cabsi iyo dagaal jira Colaad kaagamuu tagin Culys heer kastuu yahay Niyad xumo kamuu celin Itaal –ceel kastuu dhigo Caynaano muu dayn Caabin hawl uu kuu galay Cagtaa daalan muu odhan Ceeb wixii aad leedahay Calool maalin kuma qaban- Xaajo kaa cawaran wali Cid kumuu halayn kale Isagoo aan cuudiyo Camal iyo aduun hayn Noloshuna cakiran tahay Oo jeebku caydh yahay Caana maal kumuu gabin-
Cimrigoo siyaadaa Cawarraaye xoogoo Waa ciroole taag daran Culays weeyi ruux qaba Gabaw caasha saaraa Ciirciirka badayoo Wuu lumay codkiisii Wuu tagay cadkiisii Wuu dhaga cusladoo Caad fuule dhaayaha Bukaan weeyi cuduriyo Cuskadeen xanuunadu Maaha cayka aad tahay Hadii uu cag fududaa Cararkana ku roonaa Bari caafimaad qabay Aabahaa cad-weeyaan Maanta caawimaadiyo Kaa mudan cisayntee Damiir ceebta diidiyo Caqli maanu kugu jirin Cool dabacsanaantii Yaa kaaga riday ceel Cashar maanka koriyiyo Cilmiga iyo shareecada Ma waxaad ka tahay caydh Umuu soo ciyaar gudin Caradani shisheeyee Duqan caguhu barareen Tawsbuu la ciiree Abahaa ma cudurkaad Ku canaananaysaa!!!
Caamiye nin liitaa Hadal daran ku celiyoo Cadaw mooda kii dhalay Agtiisana ka caagoo Karha oo ka cararee Yaan cisayntu kaa gudhin Waalid caasi haw dhurun Ikaar lagu casuumoo Laga naco carshiga sare Nin hortaa caasiyay Waalidkiina ciil baday Oon calaamo lagu ridin Cara edeg laguma arag
Caku waalid liitoo Hadeer ciirsimaad biday Curashashada ul jabaysiyo Waayeel culeys qaba Marna lama canaadee Cirkan kaa sareeyaa Inuu caawa kugu dumo Ama ciida hoosiyo Dhulka caadil kula jaro Cidhib laawe kaa dhigo Maanad kaba cabsoonayn
Cududaha laxaadkiyo Ka curyaanto dhaayaha Amad ciida miistoo Xisku ku ciladdoobood Waali tuurto calalada Maanad kaba cabaoonayn
Noloshuba cibaariyo Dhacdo cusub ma waydoo Nin u baxay cirkaa sare Wakhtaa hoos u soo celin
Runta Caadka kaa koray Waa Cibaaro kula taal Iyo nabar culays lehe Miyaad caafimaad qabi Calankaagu taagnaan Waligaa cudoonaan!!! . Maamlaha cartamayaa Ku caraabin doonoo Cajil iyo da’ baad noqon Seediyo car jawdiyo Wuu tagi cadkaagani Baribaad can buusnaan Sida caday u dhuubane Ha dhitaysan cuqubada
Adoon hadalka celin karin Cawradaada dadan karin Carabkaagu talax gabay Caruurtiyo dhashaadaa Kugu carigsan doonoo Waad cabasha badatee Nagadaa catawgiyo Kugu odhan caabaadkee
Yaan cadhada eebiyo Cawri waalid kugu dhicin Ku cuskanin inkaaruhu Caydhiyo saboolnimo Yaan cidhif laguu sudhin Dadka yaad qof caanoo Farta lagu cilaanshoo Canbaarasan kuu garan Carabkaagu yuu baran Hadal caabuq keenoo Yaan colaad u joogiyo Ballo caashaq lagu qorin Cadaab haw amaah guran Ha ku noqon xumaha caan Hana galabsan caalwaa Ceeyoon labada dago Ku casilo Ilaahay,
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|