Ma Mudan Yahay In Bulshada S/land Doortaan Murashax Madaxwayne Oo Go”aansaday In Uu Tartankii Xisbiyada Siyaasada Ku Badalo Tartan Qabiil ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Mudan Yahay In Bulshada S/land Doortaan Murashax Madaxwayne Oo Go”aansaday In Uu Tartankii Xisbiyada Siyaasada Ku Badalo Tartan Qabiil ?
July 16, 2017 - Written by Editor:

 Imisa Masuul Oo Han Siyaasadeed Lahaa Ayuu Tamcada Ku Martay Oo Uu Hankoodii Ka Takhalusay Kana Dhigay Maxaabiista Siyaasada Ee Taageersan ???  

Waa Qormo Tooshka ku qaban doonta Murashax Madaxwayne oo dariiq Toosan u soo marin Damaciisa Siyaasadeed,waa Tilmaamo Bulshada S/land u soo bandhigaya Murashax Madaxwayne oo Saaxada Siyaasada kaga suntan Siyaasi Damaciisa Siyaasadeed Bulshada S/land ka soo gaadheen Hadimooyin badan,

waa Qormo Bulshada S/land u Iftiimin doonta Murashax Madaxwayne oo Marxalado kala duwan iyo Duruufo Nololeed oo aad u kala fog, Murashax Diiwaanada Taariikhdu ka marag kacayaan ay Taladiisu dhaafi wayday Tudhaal La”aan Kooxaysi iyo kala qaybinta Bulshada S/land, waa Qormo Bulshada S/land uga digaya in ay Codkooda Siiyaan Murashax,Hamuunta Kursiga Madaxwaynaha u hayaa kala wayn tahay Jiritaanka Qaranimada S/land ,waa Tiyaatarkii Siyaasada oo lagu soo Bandhigi doono,Tabashooyinka hor yaala Murashax aan ka Shaqayn, kana Talin, Midnimada iyo Wadajirka Bulshada S/land,waxaase iswaydiin mudan.

 Muxuu Ku Soo Kordhiyay Saaxada Siyaasada Muuse Biixi Cabdi ? Jidkuuse U Soo Maray Damaciisa Siyaasadeed Ee Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye ? Maxaa Iska Badalay Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land Muddo Sideed Sanno Ah Oo Madaxwayne Siiraanyo Ku Wareejiyay Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye  ? Imisa Masuul Oo Han Siyaasadeed Lahaa Ayuu Ka Takhalusay Oo Maanta Ka Mida Maxaabiista Siyaasada Ee Taageersan ? hadiise aan hoos ugu daadago dulucda qormadayda. 

MUUSE BIIXI 2

Waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa Weedhihii Turxaanta badnaa ee Saaxada Siyaasada kaga hadlay muddo Rubuc Qarni ah ee Dalka S/land la soo noqotay Qaranimadeeda, Murashaxan aan la mahadin waxaa Sannado danbe Taariikhda lagu Xusi doonaa in Tacadiyo badan u gaystay Geedi Socodka Dimuquraadiyada, isagoo Murashaxani saaxada Siyaasada Caan kaga noqday ku Tumashada Xuquuqda Dastooriga ee Siyaasiyiinta ka soo horjaada ama la Tartamaya kuna Talax Taga dagaalkooda, iyadoo Eedahaa Culus marag cad looga dhigayo in Doorasho Dimuquraadi ah oo Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka dhacda ay ugu danbaysay Maalintii Madaxwayne Siiraanyo ku wareejay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi .

Waxaana maalinba Maalinta ka danbaysa isa soo Taraya Dabeecado ku cusub Tartankii Saaxada Siyaasada ee Xisbiyada ka dhex dhici jiray waxaanad maqlaysaa Dhawaaqyada dhiilada leh ee Fariimaha Qabiilka xambaarsan, mar kale waxaad maqlaysaa Ololaha Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye oo si toosa Deegaanada G/Gabiley uga sheeganaya Murashaxiinta Xisbiga Wadani isagoo Bulshada G/Gabiley ku Guubaabiyay in aan laga kirayn Guryaha Xisbiga Wadani  Guryahii hore ugu Kiraysnaa laga saaro, sidoo kale Muuse Biixi oo Kaashanaya awooda laaluushka ku weerarayaa Waqti kasta Maamulka iyo Taageerayaasha Xisbiga Wadani ee G/Gabiley.

muuse iyi askarigii wajaale

 

Iyadoo Ololaha Siyaasadeed ee Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ay gabi ahaanba meesha ka saaray in uu u Hogaansamo Natiijadii ka soo baxday Doorashadii ugu danbaysay ee Golaha Deegaanka Dalka S/land ka dhacday iyadoo Taariikhdu ka marag kacaysa in isagoo ku Tiiq-tiiqsanaya Muuse Biixi ku tumashada Sharciga iyo Xeer No 14 si toosa Munaasibad ugu qabtay Dhamaan  Xilldhibaanadii Golaha Deegaanka uga soo baxay Xisbiga Ucid ee Dagmooyinka Gabiley iyo Barbara oo uu ku shaaciyay in ay ka baxeen Xisbigii Ucid ee ay Codkiisa ku Fadhiyaan Kuraasta.

  Si kastaba ha ahaatee waxaa hubaala in Hab dhaqanka Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Bulshada S/land dhaxalsiin doonto Cawaaqib xumo iyo Burbur ku dhaca Midnimada iyo Wadajirka Bulshada S/land,inkasta oo uu u arko in Muuse Biixi in Siyaasadaa Kala qaybinta Bulshadu uu ku gaadhayo Kursiga Madaxwaynaha Go”aanka Doorashadana waxaa iska leh Bulashada S/land ee Codka bixin doonta .

 

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

EMAIL; WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS