|
|||||
WAJAALE NEWS
Khataraha Siyaasadeed Ee Ku Lamaan Mashruuca Farmaajo Cabdiraxman Caynte Ee Fursad Fund Oo Hargeysa lagu Qabanayo Iyo Bulshada ka kacdey.
July 5, 2017 - Written by Editor:Hargeysa ((W,N)- Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn uga biyo diiday mashruuca lagu khalkhal galinayo amniga iyo xasiloonida Somaliland oo la wado in la sameeyo is-dhexgal dhallinyarada Somalia iyo Somaliland, mashruucaasi oo ay wadaan koox uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Caynte Wasiirkii Qorshaynta xukuumaddii Xassan Sheekh haddana ah Safiirka Somaliya ee dalka UK , Fursad Fund oo ah mashruuc laga aasaasay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, kaas oo uu aasaskiisa lahaa wasiirkii qorshaynta ee dawladii Xasan Sheekh Mr. Cabdiraxmaan Caynte haddana ah Safiirka Somaliya ee UK. Mashruucan ay kooxdaasi uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Caynte ay doonayaan inay Magaalada Hargeysa ka qabtaan oo ay ugu magac dareen Hargeysa Job Fair ayaa la doonayaa in la isku dhexgaliyo dhallinyarada Somaliland iyo Somalia iyagoo leh waxaanu shaqo abuur u samaynayaa dhallinyarada Somaliland. https://twitter.com/Kadarnouh/status/882351280684924930 Mashruucan Fursad Fund oo ay oo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland aaminsanyihiin inuu yahay mashruuc siyaasadeed oo ay ka dambayso aragtida dawladda Somaliya ee ah is dhexgalka dhallinyarada si looga dhexdhaliyo midnimo dhexmarta Somaliland iyo Somaliya.
Haddaba, dhallinyaro tiro badan oo reer Somaliland ah ayaa baraha ay bulshadu ku xidhiidho waxay ku faafiyeen aragtida rasmiga ah ee mashruucan oo ah inuu hoostago dawladda Somaliya, waxaanay dawladda iyo shacabka ugu baaqeen in laga taxadiro mashruucan Fursad fund oo ay suurtogal tahay in si boodh isku qarin ah loogu soo dhiibo dad reer Somaliland ah, waxaana jira baaqyo isa soo taraya oo dawladda ku socda oo lagaga dalbanayo inay joojiso in kooxdaasi ka qabsato carwadaaAy ugu magac dareen Hargeysa job fair . https://twitter.com/ajeeni/status/882358094436630530 Dawladda Somaliland ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin baaqyadan dhallinyarada ee ah sida looga biyo diiday mashruucan. Waxase la filayaa in dawladda Somaliland aqbasho soo jeedimaha guud ahaan Bulshada Somaliland gaar ahaanna dhallinyarada ee ah baaqyada ka dhanka ah Fursad fund. https://twitter.com/mwacays/status/882348980469977092 https://twitter.com/ajeeni/status/882344651587551232 https://twitter.com/ma_ayanle/status/882289884513390593
DIYAARIYE KHADAR NUUX
Related posts:DAAWO; Garabka Isbahaysiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Halka Uu Marayo Wada hadalkii U Furmay Xisbiga Ucid... Amar xayiraad ah Oo la dul dhigay dhamaan xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda xilka kasii dagays... Haayadaha Abniga Ee Somaliya Oo Baadhitaan Ku Wada Warar Sheegaya In Abwaan Nageeye Ku Biiray Alshab... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|