Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Oo Cali Mareexaan iyo Xinif Ugu Awood Sheegtay Burco Iyo Ururis Taageerayaal Jaaba Jaaba ah Oo Ay Jimcihii Maanta Bilaabeen, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Oo Cali Mareexaan iyo Xinif Ugu Awood Sheegtay Burco Iyo Ururis Taageerayaal Jaaba Jaaba ah Oo Ay Jimcihii Maanta Bilaabeen,
July 7, 2017 - Written by Editor:

Burco (W,N)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa,gulufka Taageerayaashiisa Burco ugu awood sheegtay Xisbi Xaakimka Kulmiye kadib markii uu taageero mug iyo miisaan leh Wadani kala kulmey Magaaldaasi Burco,oo ay u dhan yihiin qeybaha kala duwan ee Bulshada Bariga Burco ha ubadnaadeen dhalinyarada aqoonyahanka ah,haweenka iyo duqeytida shilis ee hurmuudka u ah madax-dhaqameedka tan iyo intii ka dambeysay soo dhaweyntii Waftigii uu hogaaminayay Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),oo jamaahiirka Burco weyn u dhan yihiin si ashaqaraar leh ugu soo dhaweeyeen Gobolka.

hogaamiye xirsi 2

 Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo udub dhexaad u ah taageerada Xisbiga Wadani ka helay Bariga Burco ee ka nixisey Xisbi Xaakimka Kulmiye iyo Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi  ayaa, dhab ahaan ugu awood sheegtay ceelka Burco Wasiiro xiligan kusoo lug darey Waftiga Murashaxa Kulmiye hogaaminayo, taas oo dareen ahaan siweyn looga dareemayo waji dadabka kaga yimid isabadelka dabeysha Siyaasadeed ee shacbiga Bariga.Burco,

hogaamiye xirsi 1

Aqoonyanahanka,waxgaradkooda,odoyaashooda iyo intooda badani Ay sida lama filaanka ugu xuubsiibteen in ay taageero u muujiyaan Xisbiga Wadani Murashaxiisa iyo hogaankiisa,

Arintan ayaa waxay sabab u noqotey talaabadani in abaabul jaabo jaabo ah oo taageero loogu doonayo Kulmiye jimcihii maanta fursad ugaga baadi dooneen maqaaxida Shaaha ee laga qaxweeyo oo,dadkii ka qaxweynayey kusoo xoomeen kadib markii shir-jaraa,id ay ugu qabteen halkaasi Warbaahinta,

xinif

 Murashaxa Kulmiye iyo xubnaha waftiga Wasiirada la socda islamarkaana, ay Magaalada dad ururis ugu baadi dooneen Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan iyo Agaasimaha Maamulka Lacagta ee Komishanka Hiv/aids Cabdikariin Xinif waxaana galabta xadhiga laga jarey Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye hore ugu lahaa Magaalada Burco khusuusan Xafiiskii weynaa ee Xaarwada oo koox haween ah oo aan badneyn lagu soo daad gureeyay.

CALI MAREEXAN

Geesta kale isdaba qabateynta Xisbiga Kulmiye kaga jawaabayay dhoolatuskii Cuslaa ee Xisbiga Wadani lagaga qaabiley guud ahaanba Burco iyo Bariga Burco,ee jimcihii maanta la kowsadey ayaa ka dambeeyay, kulankii balaadhnaa ee habeenkii xaley ahaa ay dhalinyaradii ugu badneyd ee kasoo jeeday Bariga Burco ku qaabileen Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan-ciro iyo Hogaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan huteelka New-Burco ee nawaaxiga Huteelka Palaza taas oo ilaa caweysinkan ay ka socdaan Xaflad Xisbiga Wadani kusoo dhaweynayo Taageerayaal kasoo jeeda Beesha Madaxweynaha oo ku biiraya Xisbigaasi.

ciro burco 4

 Yeedhayeedhaha xanta dadweynaha Burco gaar ahaana Bariga Burco ee ku saabsan arimaha khusuusiga u ah  taageerada Xisbiga Wadani xiligan ay u muujiyeen ayaa salka ku haya quus ay ka joogsadeen Wasiirada kasoo jeeda ee kujira Xukuumada iyo saluug fara badan oo ay ka muujiyeen Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye laf ahaantiisa oo sidii ay ka filayeen gees marey marka ay u daliishadaan qodobo dhawr ah.

MAQAAXI 2

 

 Isku soo wada duub oo waxa si xaqiiq ah loo taabanayaa taageerada gunta hoose ka tolan ee ay qeyb ka yihiin Siyaasiyiin badan oo hogaamiyaha Xisbiga Wadani dhidibka ugu qotonsadey Bariga Burco,taas oo aaney ka maqneyn Xubnaha ugu badan ee Golaha Deegaanka iyo qeybaha Bulshaduba.   

 

WAJAALENEWS DESK

BURCO OFFICE

 

COMMENTS
LINKS